Axmed Madoobe Oo Sheegay In Lagu Hayo Dagaal Lagu Burburinayo Maamulka Jubaland
Kismaayo April 03 2013 (SDN)— Guddoomiyaha maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in dagaal lagula jiro dhismaha maamulka Jubbaland. Isaga oo ka hadlaye hoolka uu ka socdo shirka Jubaland ee shalay Dastuurka maamulka Jubaland uu yeelanayo lagu ansixiyay ayaa wuxuu sheegay in dhismaha maamulka Jubaland lagula jiro dagaal adag….
