Home » 2:48 am Entries posted on “October, 2015”

‘’Xuseen Wasiirkii Hore ee Cadaaladda waa la odhan karaa waa nin dabeecad adag laakiin waa beenaale ninka yidhaa isaga ayaa beenaale ah. Been waxa uga dhaw Muuse Biixi’’Cali Gurey

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Gurey’’ ayaa ka hadlay Shakhsiyada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo dhawaan Iska Casiley Xilkaas. Cali Gurey ayaa bartiisa Facebook ku faafiyey in Xuseen Axmed Caydiid uu ka Mid ahaa Foolaadkii Xisbiga Kulmiye iyo Ururkii SNM. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xiisihii Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland Oo Burburay Iyo Ciyaartoyga Afar Gobol Oo Hargeysa Loogu Haysto Kharashaadkii Jiifka Iyo Cuntadda

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku fashilantay inay qabato wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu waday inuu ka furmo caasimadda Hargeysa, ka dib markii 8 xul ay iskugu soo hadheen tartankii is-reeb-reebka ahaa oo lagu kala qabtay Burco iyo Boorame. Tartanka ciyaaraha Gobolladda ee dalka waxa iskugu soo hadhay wareegiisa labaad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C.raxmaan Saylici ayaa Eedo Culus ku Ganey Wasiiradii Baarashuudka ka Goostay Tareenka Kulmiye DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici haatana Mar kale u Xusul duuban Isagoo ku Lamaan Murashax Muuse Biixi inuu ku soo noqdo Hogaaminta wadanka ayaa Dhaliil iyo Dhaleecayn Dusha uga Turay Tiro ka Mid ahaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Dhawaan iska Casilay Xil haynta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Luuq-luuqyo Madow iyo Meel Madow Iyo Guryo La isku Xidho Ma Dhacayso.” Abiib Timo Cad DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ee Wasaaradda warshadaha Somaliland Abiib Timacad, oo ka hadlay munaasibad uu soo abaabulay markii uu ahaa Wasiirka maaliyada ahaa Cabdicasiis Samaale oo ka dhacday huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa goobtaas ka jeediyey weedho hanjabaad ah oo uu ku ganayey Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“In Beel Keliyaata ahi Waanu U Jabhadaynaynaa Wareejinta Haamaha shidaalka Khalad Ayaan U Arkaa” Boqor Buurmadaw

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ) Boqor Buur Madaw oo ka jawaabaya Su’aal ahayd sida uu u arko xaaladda ka dhalatay wareejinta haamaha shidaalka berbera, waxa uu yidhi “Anigu marnaba maan taageersanayn in Haamaha shidaalka lagu wareejiyo cid gaar ah, illaa haddana ma taageersani arrintaasi, laakiin haddii ay dhacday dee shalayba Ina Cigaal Ajaanib ayuu ka iibiyaye […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dhacdo Naxdin Leh Deegaan ka Tirsan Degmada Sabo Wanaag oo Nin Hubaysani ku Dilay 3 Ruux

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Nin hubaysan,ayaa sadex nin ku dilay tuullada Ina Higle ee degmada Sabawanaag ee Gobolka Maroodijeex. ALLE ha u naxariistee waxaa geeriyooday Sadexda Marxuum ee kala ah Ismaaciil Yuusuf Sugulle, Dhashiike Cali Cawaale iyo Cawke ka dib markii uu nin hubaysani rasaas ku furay habeen hore muqaaxi lagu cawaynayay tuullada Ina Higle […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DHAGAYSO: Dood Kulul Oo Dhexmartay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE iyo Wasiirkii Hore Cadaaladda Ee Iscasilay.

Hargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Waxaan Halkan iddiinku soo gudbinaynaa Akhristayaal Dood kulul oo ku saabsan Khilaafka Xisbiga KULMIYE, dooddan ayaa waxa ka qayb-qaadanaya oo ay dhex martay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Jaamac Shabeel iyo Wasiirkii iscasilay ee wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid. Haddaba Halkan Hoose Ka Dhagayso/Daawo: QJ/SDN: Hargeysa

Posted in Uncategorized | Read More »

“Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Isboortigga Miisaaniyaddeedu Waxay Ahay $950,000 Sanadkiiba Oo Keliya Halka Ay Ilaalada Madaxtooyaddu Ahayd $2.5 Million Dollar”. Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 30.Oct 2015 (SDN/QJ)- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka fal celiyay Warar sheegaya in Hanti dhawrka qaranka la Gelinayo Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha kadib Markii uu Wasiirkeedii doraad ku dhawaaqay inuu iska Casilay Xilkaas Isla markaana loo dhaariyey Xubin ka Tirsan Golaha Wakiiladda. Murashax Jamaal Cali Xuseen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiye Muuse Biixi oo si jeesjeesa ugu wiirsadey Wasiiradii xukumada Siilanyo iska casilay DAAWO

Hargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hadal haynta ku Saabsan Is Casilaadii Wasiiradii ugu Tirada Badnaa ay Mar qudha ka dareereen Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Waxa uu Gudoomiye Muuse Biixi Hoosta ka xariiqay Mas’uuliyada ay Wasiiradu Madaxweynaha u Hayaan .

Posted in Uncategorized | Read More »

Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo Mar kale ku Celiyey inaanu Hankiisii Waxba iska Bedelin DAAWO

Hargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ayaa Mar kale ku Celiyey inaanu ka Tanaasulin Hankiisii la Xidhiidhay Murashaxnimada Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland ee ka soo bixi doona Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Ku Mudaysan 10 Bisha November ee soo socota.

Posted in Uncategorized | Read More »