Home » 7:55 am Entries posted on “August, 2017”

“Haddii Jowhar la qabsaday Beladweyne ayaan ku shaqeynayaa, Waxaa Dawlada aan Hogaamiyo Cagaha hayay Raysal Wasaare Khayre Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Wakhti iga Lumiyey” Madaxweynihii Xilka Laga Qaaday ee Hirshabeele Cali C/llaahi Cosoble DAAWO

Beledweyne 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markale ku eedeeyay dowlada federaalka inay dooneyso burburinta Maamulkaas. Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray magaalada Beled-weyne ayaa Saxaafada u sheegay inaysan ka jirin cadaalad magaalada Muqdisho ayna dowlada federaalka ka shaqeyneyso sidii ay u burburin lahayd dowlad goboleedyada. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Haweeney Ka Soo Jeeda Qaarada Africa oo Laba Dal ka Noqotay Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Talinayaa u Dhaxday!!!

Johannesburg 31. August 2017 (SDN/QJ):- Graça Simbine waxaa ay dhalatay 17 cisho kadib geeridii aabaheed, waa qofka ugu yar qoys ka koobnaa 6 caruur ah, waxaa ay ku dhalatay gobalka Gaza ee dalkii la oran jiray Portuguese East Africa kaas oo casrigaan loo yaqaano Mozambique, waxey ka mid aheyd ardeydii ka faa’iideysatay nidaamkii hormarinta school-adda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Marwada Kowaad ee Gobolka Maine ee Dalka Maraykanka oo Mudalab ka ah Hudheel iyo Sababta ku Keliftay oo ay ka Warantay

Maine 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xaaska guddoomiyaha gobalka Maine oo ah gobalka cidhifka woqooyi-bari ugu xiga dalka Maraykanka ayaa ku shaqaysata mudalabnimo, laakiin dad badan ayaa ay arrintani ku abuurtay faduulnimo ay doonayaan in ay ku ogaadaan waxa marwada koowaad ee gobalka ku kallifay shaqadan hoose. Marwo Ann LePage waxa ay ka shaqaysaa hudheel cunto […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Duqaymihii Isbahaysiga Maraykanka ee Suuriya oo Hakad Geliyey Cutubyo ka tirsan Kooxda Daacish oo u Soo Gudbay Xuduuda Suuriya

Dimishiq 31. August 2017 (SDN/QJ):- Weeraro dhanka cirka ah oo ay qaadeen Ciidamada isbaahaysiga caalamiga ah ee Maraykanku hogaamiyo ee ka dagaalamaya suuriya iyo ciraaq ayaa hakad geliyey socodkii ay cutubyo ka tirsan ciidamada ururka daacish ugu soo gudbayeen dhanka dalka suuriya, ka dib guuldaradii ka soo gaadhay dagaalkii ay kaga jireen gudaha dalka Lubnaan. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay in Maraykanku Mudo Ku Siman Rubuc Qarni u Dulqaadanayay Kuuriyadda Waqooyi & In wada hadal lagu dhameeyo Xiisada u dhaxaysa labada dal oo uu ku sifeeyay mid aan Xal keenayn

Washington 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyey wadahadal diblumaasiyadeed oo lala galo Kuuriyada waqooyi, waxana uu sheegay in aanay wadahadalo la galaa xal u ahayn xaalada taagan. Hadalka Madaweynaha Maraykankuna waxa uu ku soo beegmay kadib markii ay kuuriya gantaal kuwa balaastikada ah dulmarisay dalka japan. Madaxweyne Trump ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sababta Daaqadaha Diyaarada aan Loogu Beegin Kursigu lama Xidhiidho Badqabka Rakaabka Iyo Quruxda Diyaarada

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Maalin kasta adduunyada waxaa isaga goosha ku dhowaad 102 kun iyo 464 duulimaadyo ganacsi ah, taas oo tirada dadka sannad kasta safar cirka ah gala ka dhigaysa Afar Bilyan oo ruux. Haddii si kale aynu u dhigno celcelis ahaan dadka safarrada cirka ah galaa waxa ay u dhigmaan in ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jid ku Yaala Magaaladda Minneapolis ee Cariga Maraykanka oo Loogu Magac daray Nin Soomaaliyeed

Minneapolis 31. August 2017 (SDN/QJ):- Waddo kutaala Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Mareykanka xil looga doorto. Munaasabad lagu dhagax dhigayay Waddadan loogu magac daray Xuseen Samatar waxaa kasoo qeyb galay duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sadex Boqol oo Muhaajiriin ah oo ay soo badbaaadiyeen Ciidanka Xeebaha Liibiya

Tribal 31. August 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyey shalay in ka badan Saddex boqol oo qof oo muhaajiriin sharci darro  ah kuwaasi ku cadilaa biyaha badda ee ku beegan Galbeedka Caasimadda Dalkaasi kuwaasi oo beegsanayey inay dalalka yurub u Gudbaan.. Afhayeenka ciidanka ilaalada Xeebaha dalka Liibiya wuxuu sheegay in ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qoys Gurigooda Ku Xanaaneeya Duur-joogta Ugaadhsiga Ku Dhiban !!

Delhi 31. August 2017 (SDN/QJ):-Xarunta Animal Ark waa goob gaar loogu xanaaneeyo duur-joogta Maharashtra ee dalka Hindiya taas oo qaabisha xayawaannada aqoontoobay lana ugaarsaday waalidiintii dhalay. Waxaa dhisay mid kamid ah dhaqaatiirta xaafadda kaas oo fahmay lagama haraanka ugaarsiga, hayeeshe aan haddana oggolaanin in ilmaha yar ay macluul iyo agoonnimo u dhintaan. Maalin, waqtigii 70-meeyada, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Socdaalkii Kowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku Tago Dhulka Falastiiniyiinta

Qaza 31. August 2017 (SDN/QJ):-Xoghaya Qaramada midoobay Mr: Anteeniyo Guteeras, ayaa markii u horeysay booqday dhulka Falastiinta iyo Israa’iil, isagoo ku taliyey in xalku ku jiro in la helo dawlada Falastiin ah oo ka barbar jirta dawlada Israa’iil. Hase yeeshee, ra’iisal wasaaraha Israa’iil  Mr: Nataniyaahu ayaa u sheegay Mr: Guteeras, in  hay’ada Qaramada midoobay u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »