Home » 12:55 pm Entries posted on “August, 2017”

29 Hablood oo Ka Qallin Jebiyey Jaamacadda Edna Aadan ee Hargaysa & Aqoonta ay Barteen DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada iyo Mas’uuliyiin kale oo Wehelisa ayaa Tababar u soo Xidhay 29 Haween ah oo mudo Lix Bilood ah kaga dhamaystay Jaamacada Edna Aadan aqoon la xidhiidha hannaanka Maamulka Xafiisyada iyo Xoghaymaha.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Labada Wasiir ee Duulista Iyo Hawlaha Guud waxaan leeyahay heshiiya, oo halkaas khilaafka ku damiya, waxaana leeyahay arintaas yaan dib loo maqlin, oo halkaas ha lagu damiyo, Diyaaradana shaqo kuma laha Cali’’ Wasiirka Gaashaandhiga

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay wax walba oo dhib ku ah dibna u dhigi kara Doorashada Madaxtooyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu si gaar ah uga hadlay khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xaliyey, isagoo sheegay inuu si gaar ah ugu mahadnaqayo cidii khilaafkan xalisay. Wasiirka Gaashandhiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shuruudaha laga Qofka Neef Xoolo ah Udxaysanaya Maalinta Ciida Iyo Fadliga Tobanka Hore ee Bisha Dul xaj DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa noo soo jeediyana muxaariyo kooban oo ka hadlaysa faa,iida tobonka hore ee bisha Dulxaj iyo arrimaha loogu baahan yahay qofka muslinka ah in maalmahan khayriga ah lagu guddo jiro…

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ururka Rayislayaasha amase Timo Jarayaasha Somaliland oo Cabasho Xoogan ka Muujiyey Ajaaniib Shaqooyinkoodii La Wareegtay & Digniin adag oo Gudoomiyaha Ururkaasi Diray DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha ama Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa sheegay inay dalka ku soo badanayaan dadka ajaanibka ah ee Timo-jarayaasha, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato, oo ay kaga dhabayso balan-qaadkeena ah inay muhiimadda kowaad siinayso dadka muwaadiinta ah. Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shirkada Flydubai oo Markii Kowaad Ka Hadashay Dhacdadii Madaarka Cigaal ee Hargaysa ee lagaga reebay Haweenay iyo Ilme yar oo ay Dhashay Diyaaradood oo Dood badan dhalisay

Dubai 31. August 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda flydubai ee duulimaadyada ku timaada garoonka Cigaal ee Hargeysa ayaa ka hadashay dhacdo jimcihii toddobaadkan ka dhacday madaarka Hargeysa  oo diyaaradda lagaga reebay gabadh reer Somaliland ah oo Ingiriiska ku sii jeeday taas oo sababtay muran iyo doodo badan. Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay waxay ku sheegtay in ahmiyada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ahmiyada ay Diinta Islaamku Siisay Maalinta Cashuura oo Maanta Ku Beegan DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee, wuxuu inuu jeediyey oo Sunno nooga yeelay inaan Soono maalmo aan ahayn Bisha Radaman. Waxaa maalmahaas ka mid ah Maalinta Cashuura. Hadaba Maalinta Caashuuraa aan ka barano Saxaabigii Waynaa ee Mucaawiyah Binu Abi Sufyaan Ilaahay Raali haka noqdee. Wuxuu Yiri Mucaawiye:   […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda oo La Sheegay inay Xaraashtay Xaruntii Baanka Ganacsiga Ee Somaliland & Ciidanka Booliska oo Hawlgal ka Fuliyey Meheradihii Iyo Gaadiidkii La Hordhigi Jiray

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyay Xarunta Dhismaha Baanka Ganacsiga Somaliland ee Magaaladda Hargeysa, Waxa ay xoog uga dhaqaajiyeen Gaadiid badan oo ku hor adeegan jiray baanka hortiisa iyo Meherado ganacsi oo yar yar kuwa shaaha laga cabo ah oo sanadii u dambeeyay ku shaqayn jiray […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Tartankii Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilladu Waxay Ku Tusaysaa, In Isaaqii Hunguriga weynaa Dib u Joogsaday..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofka bani-aadamka ahi uu noqdo Xalaal Miirad ama uu ku noolaado Arsaaqad Xalaal ah isla-markaana uu Ubadkiisa iyo Ehelkiisa kala cararro wixii Xaaraan ah. Musharraxa Xisbiga UCID  ayaa ka warramay in Xilligii Dawladdii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay inuu Ka Dhego adaygay Dalab uga Yimid Itoobiya oo rabtay in lagu soo wareejiyo Hogaamiye ONLF ah iyo Warbaahinta Itoobiya oo si weyn wax uga qortay

Muqdisho 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey in magaalada Muqdisho laga ka xeeyo ,Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ururka ONLF. Ciidamo ka tirsan nabadsugidda federaalka ayaa toddobadkii hore ka soo saarey sarkaalkan xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaanna hadda la xaqiijiyay in lugu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani & Siyaasi Xasan Codyare oo Tooshka ku Ifiyey Arrimo Muhiim ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Indhaha Ka Lalinayso

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u  jeediyey Xukuumadda, waxayna ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sicir bararka taagan, qiimaha sarifka ee kacsan, khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xalliyey, Doorashada Guddoomiye ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »