Home » 8:02 pm Entries posted on “January, 2018”

Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Shirkadaha Isgaadhsiinta,Xawaaladaha iyo Ganacsatada kale dul dhigtay amaro ay u aragto inay Xal u Yihiin Sicir bararka!!

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aamo amar ah oo ay sheegtay inay kula dagaalamayso sicir bararka dalka aafeeyay, waxaana shirkadaha dalka la gaadhsiiyay amaradaas wixii ka khuseeyay. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay xukuumadu weli soo saartay, haddana warar uu Wargayska Geeska Afrika helay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland oo Xubin ka Noqotay Xidhiidhka Caalamiga ah ee Ciyaaraha Jesta & Hogaanka Xidhiidhkaas oo ka Soo Laabtay Shir Caalami ah kana Warbixiyey DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu Weheliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta kulan la qaatay Hogaanka Xidhiidhka Ciyaaraha Jesta ee Somaliland Kadib markii ay ka soo laabteen Shir Caalami ah oo dalka Dibadiisa ka dhacay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Wax Koox Ah Oo Kubadda Cagta Ah Oo La Kala Dirayaa Ma Jiro, Waxaanay Mudan Yihiin In La Sii Dhiiri-Galiyo” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaliyarada Iyo Ciyaaraha DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay in la dhamastiray muran aan badnayn oo ka taagnaa sidii xal loogu heli lahaa Wasiirka Maaliyada iyo Ciyaartoyga magaaca Wasaaraddaasi ku ciyaara oo uu wasiirka maaliyadu kala diray, halka Agaasime Dhabeeye sheegay in ay ku guulaysteen arrinkaasi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixina waxaan qabaa inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhi doonto Sicir bararka umadda aafada ku noqday,Shacabkana Waxaan Leeyahay…’’ Xildhibaan C.raxmaan Dheere

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, sida ugu dhakhsaha badan ay wax kaga qaban doonto sicir-bararka umadda dhibaatada ku haya, oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaadhin. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo u waramay Wargeyska […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hor Tagay Golaha Guurtida Kana Hadlay Mooshin Ay Ku Wadaan Xildhibaanada Golaha Deeganku DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Mayaarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa waxaa uu saaka hor tagay golaha guurtida Somaliland isla markaana waxaa uu faahfaahin ka siiyey maashriicda ay dawlada Hoose qabatey sanadkii dhamaadey ee 2017. Sidoo kale Maayar Solteco ayaa waxaa uu ka hadley mooshin ay ku wadaan Xildhibaanada Golaha Deeganka Hargaysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Saaka Albaabada Xarunta Warfaafinta laga Xidhay iyo Wasiir Guri barwaaqo oo ka Hadlay Nidaam Cusub oo Shaqada lagu Ilaalinayo DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa Maanta ka hadlay Nidaamka Saacadaha Shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Prof Cali Khaliif Oo Soo Dhawayn Balaadhan oo Calanka Somalia Lagu Muuneeyay Loogu qaabilay Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka DAAWO

Minneapolis 27. January 2018 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Prof, Cali Khaliif Galaydh ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesato ee dalka Maraykanka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Abwaan Baarleex Oo La Ooyay Xanuun Wadnaha Ah Fariina U Diray Madaxwayne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Abwaan Cabdilaahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah Abwaanada waawayn ee Somaliland ayaa waxaa uu la ilmeeyay Xanuun Wadnaha ah oo mudo hayay waxaana uu fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Isku Socodka Magaalada Hargaysa Oo Saaka Subaxii Hore Ceer-Yaantii Dhacaysay Ay Hakad Galisay Gaadiidkii Wadda Marayay DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Saaka subaxii hore ayaa Ceer-yaantii dhacaysay ay hakad galisay isku socodka gaadiidka dhex marayay magaalada hargaysa waxaana dhacday in lays arki waayo.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Wey fiican tahay in la balaadhiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo Dawladdo kale oo dhex-dhexaad ahi soo galaan wada hadalada’’ Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne-Xigeenkii Hore

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay wararka soo baxaya ee sheegaya in Dalalka Sweden, Norway iyo Switzerland ay qayb ka noqon doonaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »