Home » 7:41 pm Entries posted on “January, 2018”

“Waxa la Foojariyeeyey Sexeexayga, Maamulka ayey Taasi ka dhacday..” Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in Saxeexiisa la Foojari-gareeyey, isla markaana loo adeegsaday Hanti Umaddadeed oo la Musuqmaasuqayo ama siyaabo gaar ah loo lunsanayo. Cali Xasan Cawaale oo qaar ka mid ah Warbaahinta Maanta kula hadlay Xafiiskiisa Xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qoys ay La Kulantay Dhacdadii Ugu Naxdinta Badnayd ee Abaarihii Somaliland soo Maray ,Caawimo Gaadhay & Fariin Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland Loo Diray DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xarunta Dhimirka ee Sahan Mr Bashiir Maxamed Jaamac ayaa deeq Kaalmo Kala duwan ah gaadhsiiyey qoys danyar ah oo Ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Qoyskan oo Ka Koobnaa Sagaal Qof 7 Caruur ah iyo Waalidkood ayaa Shan ka mid ah Caruurtaasi ay ku geeriyoodeen Xaaladii adkayd ee abaarta Halka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wershad Halis Nabadgelyo ku haysa Madaarka Hargeysa, Khatarteeda Caafimaad iyo Cabashada Bulshada DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wershad laga dayriyey halisteeda Caafimaad, isla markaana la sheegay inay khatar dhinaca nabadgelyada ah ku hayso Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Wershaddaas waxa la sheegay inuu u digay Maareeyaha Madaarka Hargeysa uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay. Haddaba, Warbixin ku saabsan Wershaddaas, waxay qabato, cabashada Dadweynaha iyo Digniinta la […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Afhayeenka Cusub ee Madaxweynaha Somaliland oo ka Dareen celiyey Xilkan Maanta loo Magacaabay DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Afhayeenka Cusub ee Madaxweynaha Somaliland uu Maanta Magacaabay Maxamuud Warsame Jaamac Cali isla markaana Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ka soo ahaa Wasiirul dawlihii Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka dareen celiyey Xilkan uu Madaxweynuhu u Magacaabay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ka Warbixiyey Xaalada Amni ee Somaliland Isla Markaana Shaaciyey Hub ay Gacanta ku dhigeen oo Loo waday Mid ka mid ah Beelihii Gobolka Sanaag ku Dagaalamay & Waxay Xukuumadu ka Yeelayso!! DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xildhibaanada Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyadda dalka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo Maanta Furay Shirweynaha Caddaalada iyo Arrimaha Xabsiyadda DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furay shirwaynaha caddaalada iyo arrimaha xabisyadda.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Soo Saartay Go’aankii ay Wax kaga qabanaysay Sicir Bararka Dalka Ka Taagan Iyo Nuxurka Qodobadaasi ka Kooban Yihiin DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Guddidii dhawaan madaxweynaha JSL u xilsaaray wax-ka qabashada sicir bararka iyo hoos u ku yimi shilinka Somaliland ayaa waxay maanta ku dhawaaqeen go’aano arrimahaas wax lagaga qaban doono.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay 11 Xubnood Iyo Magacyadooda

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay 11 masuul. Wareegtadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-   Madaxweynuhu Markuu Arkay:           Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;   Markuu Arkay:           Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markuu ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sanbaloolshe: Kor u Kiciisii Dhawaa iyo Hoos u Dhiciisa Hadda! Warbixin Xiiso leh oo BBC-du Diyaarisay

Muqdisho 29. January 2018 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan ee kasoo dhex muuqday dowladda federaalka kadib doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saxaafadda iyo falanqeeyeyaashaba kaga yaabsaday hadal uu fagaaro ka sheegay xilli uu ka hadlayay arrinkii Qalbi Dhagax. Wuxuu xilligaasi sheegay: “Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay in Xalka Sicir Bararka ay ka Doonto in Lagu Jiifsado Shirkad Qudha & Khatarta Ka Dhalan karta DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in gudi Xukuumadu u saartay Wax ka qabashadda Sicir bararka dalka ka taagan Saluug badan laga muujiyey. Cabdilaahi Daamur oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargaysa ayaa Sheegay in Xogo ay heleen ay Sheegayaan in talaabooyinka ay ilaa hada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »