Home » 4:31 pm Entries posted on “February, 2018”

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Ku Xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somaliland Iyo Somalia Iyo Qodobadii ay ka wada Hadleen SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Magaaladda Hargaysa oo Maanta Lagu Soo Bandhigay Filim ka hadlaya Qiimaha Nabada oo uu Hal abuuray Mid ka Mid ah Abwaanada Somaliland & Weedhihii Laga Jeediyey DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’galinta JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigayay filim ka hadlaaya nabadda, kaas oo uu hal-abuurkiisa lahaa Abwaan Axmed Aw Geedi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Shir la Qaatay Ku Xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Iyo Qodobo ay isla qaateen SAWIRO 

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq. Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasaaradda Caddaalada Somaliland oo Baadi goob ugu Jirta Sidii ay u Heli lahayd Xogta Caddaalada ee  Dalka DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada Somaliland Jaamac Cabdiraxmaan Ayaa Furay Tabobar ku saabsan sidii hay’addaha cadaaladu u  heli lahaayeen xog sugan, kaas oo socon doona muddo sadex maal-mood ah.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Urur-goboleedka IGAD Oo Qayb Ka Noqonaya Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Urur goboleed IGAD ayaa lagu wadaa in uu qayb ka noqdo dhexdhexaadinta wadahadallada la filayo in ay dhawaan u bilaabmaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Xamar ee Soomaaliya. Waxaana la sheegay in wadahadalladan uu urur goboleedka IGAD kaalin muuqata ka qaadan doono, iyadoo ay dawladda Somaliland si weyn u soo dhawaysay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kala duwanaanshayaha aragtida siyaasiga ahii ma aha is colaadin, iyo ciilqabnimo

Xayndaabka siyaasiga ah waxa xidha mabda, iyo go’aamada masiiriga ah ee dawladnimo, iyo xisbinimo ba leh. Qof waliba meel ayuu ku fiican yahay, ama uu ku habboon yahay. sida aqoonta, khibradaha kala duwan, hawlkarnimada, kartida, iyo go’aan gaadhida. Haddaba innaga oo ka dulayna arrimahan. Waxa aynu ogsoonahay heerka cilmiyeed, iyo khibradeed ee Proff Ismaaciil Hurre […]

Posted in Features | Read More »

Ciidanka Booliska oo Sharaxaad ka Bixiyey Sababta Keentay inay Xabsiga Dhigaan Agaasimihii Telefishanka Universal ee Somaliland iyo Nin Shalay lagu Xidhay Magaaladda Burco  DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta faahfaahin ka Bixiyey Sababta Keenta Xadhiga agaasimaha Telefishanka Universal ee Somaliland Maxamed Caabi oo Maanta la Xidhay iyo eedaysane labaad oo lagu Magacaabo Saleebaan Ibraahin Maxamud oo Shalay Lagu xidhay Magaaladda Burco.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi oo u Cadeeyay Wefti Sare oo ka Socda Urur Goboleedka Igad in Somaliland aanay ka Laabanayn Gaadhitaanka Ciidankeeda ee Degmada Tuko-raq SAWIRO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti  ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Orod-yahano ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Guul soo Hooyay DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas C.laahi Fadal Iimaan ayaa maanta abaal marino kala duwan gudoonsiiyey Orodyahanada Ciidanka Booliska ee Guusha ka soo hooyay Tartan Orodka Maaratoonka ah oo Shalay Lagu qabtay Caasimadda Hargaysa Isla  markaana ay ka qayb qaateen Orodyahano Somaliland u dhashay iyo Kuwo Dalalka Dibada ka yimid.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland iyo Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Yemen ee Somaliland ku Sugan oo ka Wada Hadlay Diiwaangelinta Ajaaniibta Yemen u dhashay ee Somaliland ka Shaqeeya DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta xafiiskeeda waxay Kulan kula qaadatay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Dalka Yemen ee Ku Sugan Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »