Home » 10:18 pm Entries posted on “February, 2018”

Mulkiilaha Shirkada Qaadka ee Gaafane (Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’) Astaan Ganacsi oo Ku dayasho Mudan!!!!!!

Marwo Aamina Muxumed Cali  (Aamina Gaafane) Waa Mid ka mid ah Haweenka Somaliland ee Kaalinta weyn ka Ciyaaray Horumarka ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Waxay dhawr iyo Labaatankii Sano ee u danbeeyay ay ku hawlanayd ganacsiyo kala gedisan oo ay Somaliland ka hirgalisay. Ugu horayn Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’ waxay Mudo dheer ilaa maanta dalka […]

Posted in Features | Read More »

Nuxurka Go’aamo laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi 

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, Ergay Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha Xukuumada

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markuu ku Qancay:            In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Todoba Mas’uul oo Ciidamada ah!!!

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid   Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;   Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markuu ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sare u Kac Xoogan oo Ku Yimid Qiimaha Sarifka Dollarka ee Suuqa Hargaysa & aragtida Sariflayaasha DAAWO

Hargaysa 21. February 2018 (SDN/QJ):-Qiimaha isku bedelka lacagta Somalialnd iyo lacagta dollarka ayaa saddexdii habeen ee u dambeeyay uu isbedel ku yimid, waxaana muuqata inuu sare u kacay sarrifku. Qiimaha sarrifka ayaa markaad sidato dollar ee aad doonayso lacagta Somalilnd oo loo yaqaano gacanta hore waxa boqolka dollar laguu bedelayaa milyan iyo lixdan kun oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Safiirka Jarmalka ee Somaliland Iyo Somalia Qaabilsan & Arrimaha ay ka wada Hadleen DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 21. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka  Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Markus Bollmohr. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka labada dal u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Laba Wasiir oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Maanta Booqday Buurta Dalxiiska Caanka ku ah ee Daalo oo Laga Sameeyay Mashruuc Dhirayn ah DAAWO

Ceerigaabo 19. February 2018 (SDN/QJ):-Wefti uu Hogaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Enginer Xuseen Cabdilaahi Buuni oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa Maanta soo Kormeeray Mashaariic ay ka Mid yihiin Dhiraynta Buurta Daalo iyo Cisbitaalka Guud ee Ceerigaabo oo Dib u habayn lagu Samaynayo kaas oo Sanduuqa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland oo Booqday Maanta Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Laascaanood & Deeq uu geeyay DAAWO

Laascaanood 19. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda cadaalada JSL Eng. Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo mudooyinkuu u dambeeyay kormeer ku maraya Gobolada bari ee dalka ayaa Maanta ku Wareejiyey deeq kala duwan Saraakiisha sare ee Xabsiga Magaaladda Laascaanood.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

War Deg Dega:— Koox Rabtay inay Gudaha Somaliland Mas’uuliyiin ka Afduubaan oo Xukun Maxkamadeed Maanta lagu Riday,Halka ay Ka Soo Jeedaan & Tiradooda!!!!

Baligubadle 19. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee gobolka Hawd Seekh Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi ayaa Xukuno iskugu jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku Riday 24 Eedaysane. 24 Qof ee maanta la Xukumay ayaa lagu soo eedeeyey dambiyo kala duwan,halka 4 ka mid ahi yihiin Itoobiyaan isku dayey inay gudaha Somaliland masuuliyiin ka af-duubaan. Nimankan oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hay’adda u Diyaar garowga Aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland oo Shaacisay Liiska Kala horaynta Saamaynta Abaaraha ee Gobolada Somaliland DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa daboolka ka qaaday in Gobolada ku yaala Xeebaha Somaliland ay yihiin kuwa ugu daran ee Xaalada abaareed ku habsatay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »