Home » 12:58 pm Entries posted on “August, 2022”

Muuse Biixi oo qaaday tallaabadii ugu horaysay ee muddo-kordhinta uu ku xalaashanayay

Hargeysa  24 Aug, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horaysay ee uu ku doonayo muddo kordhin xukuumadiisa loo sameeyo iyadoo bilow u noqon doonta damaca muddo kordhinta oo miiska u saaran Muuse Biixi. Muuse Biixi ayaa ku xiegenkiisa Saylici iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa maanta faray in ay ka hadlaan xaaladda abaareed ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xasan Sheekh oo berri ka degaya magaalada Garoowe

Muqdisho 24 Aug, 2022 (QJ)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse iyo wafdi balaadhan uu hoggaaminayo ayaa goordhawayd gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland. Wafdigan oo ka duulay garoonka Muqdisho ayaa waxaa Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan maamulka Puntland, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay goob gaara oo loo diyaariyay mas’uuliyiintaan. Wasiir Abshir Huruuse […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dagaalo mar kale kasoo cusboonaaday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya

Jigjiga 24 Aug, 2022 (QJ)- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega. “Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday,” ayuu yidhi mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO:Madaxweynaha dhibta ugu badan waxa uu u geytay Awal, kuwa beenta u sheegaya Garxajis ayaa u badan

Hargeysa August 24, 2022 (SD) –  Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani ee Maroodijeex Md. Weli Cabdi Aadan ayaa ka waramaya Fashilka hogaanka Muuse Biixi iyo Kulmiye iyo cida uu isku haleynayo.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay,wareysiyo | Read More »

Xeebaha Soomaaliya oo laga saarayo liiska kuwa ugu halista badan dunida

Muqdisho 23 Aug, 2022 (QJ)- Rugta Caalamiga ah ee Maraakiibta ayaa isku raacday in xeebaha Soomaaliya laga saaro goob halis ah ka dib sanado badan oo lagu guuleystay howlgallada ka dhanka ah budhcad badeeda biyaha Soomaaliya. War-saxafaddeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in la ansixiyay isbeddel cusub oo shaqeyn doona laga bilaabo January sanadka soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Meesha ay marayaan dedaalada dhex dhexaadinta ee xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa 23 Aug, 2022 (QJ)- Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa waxa weli ka socda dedaalo dhex dhexaadin ah oo ay wadaan ganacsato Reer Somaliland ay oo isku xilqaantay in ay kala dhex galaan dhinacyada siyaasadda isku haya ee Somaliland oo ah xukuumadda gar aahaan madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan labada murashax ee Cirro […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maayirka Hargeysa oo ku baaqay in aan ajaanibta sadaqo la siin iyo buuqa ka dhashay

Hargeysa 22 Aug, 2022 (QJ)- Maayirka caasimadda Hargeysa ayaa maanta jeediyay hadal dhaliyay muran xoogan oo ku aadan sadaqada la siiyo dadka ajaanibta ah ee caasimadda ka dhex dawarsada. Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ku baaqay in aan la siin sadaqad ajaanibta Hargeysa ku sugan. “Qofka in dhiban oo jaarkiisa ah oo uu hebel hebel u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Siciid Sulub oo Muuse Biixi la qaatay xadhiga odayaasha Garxajis iyo faahfaahin kale

Hargeysa 22 Aug, 2022 (QJ)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa la sheegay in uu madaxweynaha Somaliland la qaatay xadhiga odayaasah talo ahaan ugu sarreeya beesha Garxajis ee uu wasiirku kasoo jeedo, sida aanu ku helnay xogo kala duwan. Siciid Sulub ayaa la qaatay Muuse Biixi xadhiga suldaan Axmed Caddo-gude iyo salaadiin kale oo la […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaabka loo xidhay Suldaan Caddo Gude iyo sirta ka danbaysa

Hargeysa 22 Aug 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa xalay laga xidhay suldaan Caddo Gude oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ugu tunka wayn isla markaana ah Gudoomiyaha Beelwaynta Garxajis oo dega 5 ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland ka koobantahay. Xaaska suldaan Axmed Caddo Gude ayaa sheegtay in isaga oo gaadhigiisa wata lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Waddani oo booqasho ugu tegay masuuliyiin Baki kaga xidhan

Hargeysa 21 Aug, 2022 (QJ)- Masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa magaalada Baki ku booqday saraakiil ka xidhan xisbiga iyo taageerayaal weheliya, iyadoo deegaankani ku yaalo galbeedka Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal. Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa qoraalkan faafiyay goor dhawyad: “Aniga iyo musuuliyiin sare oo Xisbiga Waddani oo ugu horreeyo murashaxa madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »