Home » 3:34 pm Entries posted on “December, 2022”

Wasiir Juxaa oo eedeeyay Wasiir hore Abgaal

Garoowe December 27, 2022 (SD) – Wasiirka arrimaha guddaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal oo diidan hanaanka doorashooyinka qof iyo cod uu urursaday ciidamo isla markaana ka horyimi diiwaangelinta codbixiyeyaasha Puntland. Juxaa ayaa saxaafada guddaha u sheegtay in Xasan Abgaal oo la soo xiriiray uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo xanibtay Hormuud

Muqdisho December 27, 2022 (SD) -Kooxda Al Shabaab ayaa la shaaciyay in ay xayiraad ku soo rogtay Shirkada isgaarsiinta Hormuud. Ilo wareedyo ay xigatay iddaacada Mareykanka ee VOA ayaa arinkan sheegay. Shirkada iyo kooxda Al Shabaaba arinkan weli may ka hadal. Xayiraada la baahiyay ayaa imaneysa xili Al Shabaab laga saaray degaanada hoostaga maamulka Hirshabelle. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo dad ku laayay Lamu

Lamu December 27, 2022 (QJ)-Booliska dalka kiinya ayaa sheegtay in Rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ka fuliyeen magaalo xeebeedka Lamu. Weerarka oo dhacay intii lagu gudo jiray dabaadega munaasibada masiixiga ayaa waxa ku dhintay laba ruux. Guddoomiyaha Gobolka Xeebta John Ellunata ayaa sheegtay in kooxda wareerka aheyd ay caabiyeen ciidamada booliska […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ilhaan Cumar oo xaflad lagu soo dhaweeyay

Muqdisho December 27, 2022 (SD) – RW Soomaaliya Xambse Cabdi Bare ayaa munaasibad soo dhaweyn ah xalay ku casuumay xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Wakiilada Mareykanka. RW Xamse ayaa Ilhan ku amaanay karti uu sheegtay in ay guulo uga soo hoysay siyaasada Mareykanka, isla markaana ay tusaale fiican u tahay qurbejoogta Soomaalida. Xildhibaanad Ilhaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sadexda Xisbi qaran oo shatigii ka dhacay

Hargeysa December 26, 2022 (QJ) – Waxa manta mudo sharciyeedkii xisbnimo ee tobanka sanadood kaga eg yahay maanta sadaxda xisbi qaran ee Kulmiye Wadani iyo UCID oo sharciyada xisbinimo helay ka dib doorashooyinkii Degaanka ee 2012kii. Mudo xileedka dhamaaday ee xisbiyada ayaa imanaya xili mudo xileedkii Madaxweynaha fadhiyaa uu dhamaaday bishii hore, sidoo kalena Gollaha guurtida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dhaliil u jeediyay dawlada dhexe

Baydhabo December 26, 2022 (QJ) – Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta eedeeyay dawlada federaalka Soomaliya in ay qeyb ka tahay khilaafka dhiigu ku daatay ee salka ku hayamudokororsiga madaxweyne Laftgareen. Xildhibaanada oo manta saxaafada la hadlay ayaa ciidamada dawlada federaalka ku eedeeyay in loo adeegsanayo sidii Khalkhal loo gelin lahaa maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaanada ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo weeraray Xarun ATMIS ku leeyihiin Afgooye

Afgooye December 26, 2022 (QJ) -Sida dadka degaanku u sheegeen saxaafada guddaha waxa xalay dagaal ku dhexmaray magaalada Afgooye ciidamada Africa ka jooga Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab. Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weeraray xarun ciidan oo ay ku leeyihiin Afgooye ciidamo reer Ugaandha ah oo ka tirsan kuwa Africa ee ATMIS. Labada dhan kama hadlin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dawlada dhexe oo shiraya

Muqdisho December 26, 2022 (QJ) – Waxa manta Muqdisho shir wada tashi ah uu uga furmay madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya. Shirka ayaa looga wada hadli doona arrimaha Garsoorka, federaalka iyo dagaalka ka dhank ah kooxda Al Shabaab. Shirka ayaa imanaya xili madaxweyneyaasha maamulada ka tirsan federaalka uu dhamaanyayo mudo xileedkooda, halka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo jaraya kharashka hay’ado badan oo dawli ah

Hargeysa. 27 December, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa u sheegay hay’ado badan oo ah kuwa dawliga ah in sanadka soo socda ay is hdimi doonaan kharashaadka dawladda iyadoo hay’ado badan laga rabo in ay soo xareeyaan lacagaha dheeraadka ah ee ka baxsan kuwa shaqooyinka ku qoran. Arintan ayay sabab u tahay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiyada Somaliland oo uu maanta ka dhacay liisanku

Hargeysa. 26 December, 2022. (QJ)- Xisbiyada Somaliland ayuqu maanta ka dhacya liisanka sharciga ah ee ay ku noqdeen xisbiyo kaas oo la siiyay 10-sanno ka hor, waxaana sidaas sheegtay gudida diwaan gelinta axsaabta iyo ururada siyaasadda ee Somaliland. War kasoo baxay gudida ayaa lagu sheegay in liisankii sharcig ahaa ee xisbiyadu uu dhacay iyadoo ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »