Home » 7:55 am Entries posted on “December, 2022”

Dibedbaxyo dad ku dhinteen oo weli ka socda Laascaanood

Laascaanood December 30, 2022 (QJ) -Waxa manta halkoodii ka sii socday dibed baxyadii sadexdii maalmood ee ina dhaafay ka socday magaalada Laascaanood. Waxaana manta salaadii Jimce dabadii iswejahay dad gadoodsan oo dhagax tuurayay iyo ciidamad amniga magaalada, rasaasy ay ciidamadu ridayeena waxa ku geeriyooday alaha u naxariistee Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Geele oo bilad Sharaf la siiyay

Muqdisho December 30, 2022 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xaflad ka dhacday Villa Soomaaliya Billad Qaran ku guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Maxaweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jabuuti Billada Qaran uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dibad baxyo maalintii sadexaad ka socda Laascaanood

Laascaanood December 29, 2022 (SD) -Dibad baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii sadexaad waxaanay dibad baxayaashu taayaro ku gubayaan waddooyinka magaalada halka waddooyinka qaarna dhagxaan ku gooyeen, dadka careysan dilalka qorsheysan ee lagula kacayo dadka magaalada. Waxaa maanta xiranaa inta badan ganacsigii magaalada Laascaanood. Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muqdisho lagu soo gebagabeeyay Shirkii wadatashiga qaran

Muqdishu December 29, 2022 (QJ) -Waxa manta magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyay Shirkii wadatashiga qaran ee u dhexeeyay dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka laga soo saaray heshiis dhawr qodob ka koobnaa oo qaar kamid ah maamulka Puntland aanu sexiixin. Golaha wadatashiga, marka laga reebo Puntland, waxay isku raaceen heshiis siyaasadeed oo ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo Muqdisho laga furay

Muqdisho December 29, 2022 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay fanaaniintaiyo abwaanada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo dowladnimada, iyo in xaruntu hagto suugaanta, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mudaharaadyadii Laascaanood oo weli socda

Laascaanood December 28, 2022 (QJ) – Ciidamada Somaliland ayaa mar kale maanta Rasaas ku kala eryay dad rayid ah oo muddaharaad ka samaynayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweynaha mudoxileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalalaasaha Laascanood ku eedeeyay cadow uu sheegay in ay Somaliland ku soo duulay. Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa dhaliilay sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Miisaniyada Soomaaliya 2023 oo la ansixiyay

Muqdisho December 28, 2022 (QJ) – Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa dood maalmo qaadatay ka dib maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka. Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaartay in ka badan $973 oo million iyada oo Miisaaniyadda sanadkan loo kordhiyay adeegyada xarumaha Caafimaadka dowladda, Waxbarashada iyo hay’adaha amniga dalka. Miisaaniyadda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ismaaciil Cumar oo safar ujeedo badan ah ku tegay Muqdisho

Muqdisho December 28, 2022 (QJ)- – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, masuuliyiinta Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo u digtay Genel Energy

Muqdishu December 28, 2022 (QJ) – Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshaha shidaal baarista ee Genel Energy ka waddo Somaliland. War saxaafada loogu talogalay oo kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashiga iyo sahminta sharci darrada ah oo ay sheegtay wasaardu inay shirkadda ka waddo deegaannada Somaliland. Dowladda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dibedbaxayaal lagu laayay Laascaanood

Laascaanood December 27, 2022 (SD) -Dibedbaxyo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa la sheegtay in ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac ka dib kolkii ciidamada amaanka ee gobolku ka hortegeen dibed baxayaasha. Dibedbaxyada ayaa yimi ka dib kolkii shalay halka rag hubeysan ay ku dileen Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi)oo ka tirsanaa xisbiga Waddani iyo waxgaradka magaalada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »