Home » 6:31 pm Entries posted on “October, 2023”

QM oo sheegtay in xadgudub ka socdo Gaza

NY October 25, 2023 (QJ) -Israa’iil ayaa si kulul u naqdisay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo uu ku muujiyay dhibaatada dadka reer Falastiin iyo colaadaha ay mudada dheer soo jireen. Antonio Guterres ayaa ku nuux nuuxsaday in weerarada ay Xamaas ka geysanayaan koonfurta Israel aysan qiil u ahayn […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dalada Mucaaridka ayaa ka soo horjeestay Jedwelka Doorashooyinka

Garoowe October 24, 2023 (QJ) -Maanta waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland shir ku yeeshay dallada mucaaradka ah ee Puntland, kaas oo ay kaga hadleen muddo kordhinta madaxweynaha iyo jadwalka doorashada ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Puntland. Warsaxaafadeedkooda ayay xisbiga mucaaradka Puntland ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin in guddiga doorashada oo markii hore […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Warbixinta QM: Soomaaliya weli qalalaasaa ka jira

NY October 23, 2023 (QJ)- -Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban boqol bog, iyadoo ka hadashay xaaladda ammaan ee Soomaaliya. Warbixinta oo sanadkiiba mar la soo saaro, ayaa ka hadashay arrimo badan oo kala duwan, sida ammaanka, arrinta Al-Shabaab, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada, socodka hubka iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada dawlada oo la wareegay degaanka Ceel-boon

Baydhabo October 23, 2023 (QJ)-Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanno muhiim ah lagala wareegay dagaalyahannada Al-shabaab kaddib dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guutada 260-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo waramayaa in ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Boon oo qiyaastii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

29 ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu dilay Duqeymada ku socda Gaza

Gaza October 23, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Axaddii 29 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Qaza, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay dhimashada dadkan, iyadoo tirada dhimashaduna ka dhigayso 29 […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Odeyaal loo qabqatay in ay taageereen Al Shabaab

Kismayo October 22, 2023 (QJ) -Maamulka Jubbaland ayaa maanta xabsiga dhigay Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan kooxda Al-Shabaab. Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa Odayaashan ku xukuntay 60-maalmood oo xarig ah, si loo sii baaro dambiyada lagu soo oogay. Maamulka Jubbaland ayaa horay odayaasha dhaqanka uga digay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiyo taageeray doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland

Garoowe October 22, 2023 (QJ)-Xisbiyada siyaasadeed ee Puntland oo kala ah Sincad, Ifiye, iyo Mustaqbal ayaa soo saaray bayaan ku saabsan muranka ka taagan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay in doorashadaas ay noqoto mid baarlamaani ah, oo dadku ay si toos ah u soo dooranayaan xubnaha baarlamaanka. War-murtiyeed ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Biixi oo ka warbiyaydeymaha dalka

Muqdisho October 21, 2023 (QJ) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku maareyso deymaha lagu leeyahay. Wasiir Cige waxa uu sheegay in xukuumaddu ay horumar la taaban karo ka samaysay ururinta dakhliga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

UN Envoy: Civilian casualties on the rise in Somalia

NY October 20, 2023 (QJ) -The United Nations Special Envoy to Somalia who recently spoke at the security council issued a strong warning on Thursday regarding a serious increase in casualties in Somalia. Catriona Laing, a British diplomat who assumed the position of UN Special Representative earlier this year, attributed the uptick to the attacks […]

Posted in news in English | Read More »

Mogadishu residents show support for Gaza residents

Mogadishu October 20, 2023 (QJ) -Today, a large protests took place in the city of Mogadishu, the capital of Somalia, expressing strong condemnation of the harm inflicted by the Israeli air force on the people of Gaza. Participants in the demonstrations, coming from various districts in Mogadishu, made a substantial showing of solidarity with the […]

Posted in news in English | Read More »