Home » 5:20 am Entries posted on “October, 2023”

Ciidamada -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad. Taliyaha Ururka 51-aad ee qeybta 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Deerow Macalin Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen Afar Maleeshiyaad ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale. “Howlgalkaan waxaan ka sameynay goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ku dilnay afar maleeshiyo ah, halka sagaal kalena aan ka dhaawacnay, wax khasaare ah oo naga soo gaaray nafteenna ma jiraan, howlgalkan ayaana qeyb ka ah dadaallada aan ugu jirno la dagaalanka argagixisada” ” Ayuu yiri Korneyl Deeroow Macalin Cabdi. Korneylku ma sheegin magacyada Maleeshiyada la beegsaday ee howlgalkaan qorsheysan, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.—————-4ada oo Al Shabaab ku =————–

Beydhabo October 28, 2023 (QJ) -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad. Taliyaha Ururka 51-aad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Miisaaniyada Soomaaliya oo markii u horeysay dhaaftay Billion iyo Bar

Muqdisho October 28, 2023 (QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2024-ka, taasoo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo labaatan milyan, lix boqol iyo sideetan iyo toddoba kun, sagaal boqol iyo sagaashan kun). -Hal Doolarka Maraykanka ah). Miisaaniyadda dowladda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

UN Votes for a Ceasefire in Gaza, as ground assault starts

NY October 28, 2023 (QJ) -The United Nations General Assembly has today adopted a resolution submitted by Arab countries while rejecting proposals submitted by the United States and Canada. A total of 120 countries fully supported the call for an immediate ceasefire, while 14 countries, including Israel and the United States, opposed it, and 45 […]

Posted in news in English | Read More »

Mareykanka oo duqeeyay xeryo militry oo Syria ku yaal

Washington October 27, 2023 (QJ) -Diyaaradaha militariga Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday goobo ay Iran ku kaydsan yihiin oo ku yaala dalkaasi. Weerarka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow magaalada Abu Kamaal, oo ku dhow xadka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16. Weerarkan ayaa jawaab u ahaa weerar lagu qaaday xarumaha ciidamada Mareykanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Xasan oo ka khudbadeeyay shirkii UE Forum

Brussels October 27, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka Midowga Yurub ee Gateway Forum oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in gargaarka bini’aadantinimo ee Midowga Yurub loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi si […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo sheegtay in weli ay dooneyso midnimo

Muqdisho October 27,2023-Ergayga Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii loo gaadhi lahaa midnimada dalka iyo sidii loo heli lahaa wanaagga muwaadiniinta oo dhan. Waxa uu xusay in aysan jirin wax isbedel ah oo muuqda oo ku yimid mowqifka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

QM oo ka hadashay xaalada Soomaaliya

NY October 26, 2023(QJ) -Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Arbacadii shalay ayaa xuska maalinta Qaramada Midoobay uga hadashay arrimo ku saabsan colaadda u dhexeysa dawladda Faderaalka iyo Puntland iyo xaaladda Laascaanood. Catriona Laing ayaa ku boorisay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabab attacks SNA forces in Hiiraan

Baledweyne Ooctober 26, 2023 (QJ) -Detailed reports are emerging of a fierce battle that took place today in the town of Caag Sibiri, one of the towns in the Farlibaax district of the Hiiraan region. The battle involved clashes between local militia forces and members of the Al-Shabaab group, and it erupted after Al-Shabaab attacked […]

Posted in news in English | Read More »

Puntland oo ka hortimi in wax laga bedelo Dastuurka Soomaaliya

Garoowe October 25, 2023 (QJ)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda dalka, gaar ahaan Puntland. Deni ayaa khudbadiisa ku dhaliilay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeestay heshiisyada ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kiinya oo baadogoobeysa 35 ruux oo ka tirsan AS

Nairobi October 25, 2023 (QJ)-Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay 35-qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarradii dhawaan ka dhacay gobolka Lamu. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliiska Kenya, gaar ahaan waaxda dambi baarista ee DCI, waxaa lasoo bandhigay magacyada 35-qof oo lala xiriirinayo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »