|

Shirkada SomCable & Sida ay Somaliland uga Suurto Gelisay inay Keento Internet-ka Xawaarihiisu Sareeyo ee Fiber Optic.

”La Jaanqaad Dunnida Casriga ah adigoo adeegsanaya Internet-ka Xawaaraha sareeya ee Fiber Optic”

Somaliland oo ka mid ah dalalka dunnida sadexaad ee uu ku yar yahay adeegsiga Tiknoolajiyada casriga ah ayaa hada u muuqata mid horumar la taaban karo ka gaadhay isticimaalka Internet-ka.

Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable oo uu Leeyahay Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw Siciid ayaa ku guulaysatay sidii ay Somaliland ugu xidhi lahayd caalamka ku hormaray isgaadhsiinta casriga ah ee Internet-ka,Kadib markii ay hanotay inay Somaliland keento Internet-ka xawaarihiisu sareeyo ee Fiber Optic Isla markaana qaadatay License 25 Sano ah oo ay u haysato keenista Internet-kan lagu badhaadhay.

Wuxuu Ganacsadahani u huray dhaqaale badan Isagoo Xadhiga Internetkan ka Soo Jiiday badweynta dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti isla markaana ay mudo ku qaadatay sidii uu deegaanada Somaliland u gaadhsiin lahaa xadhiga Internet-kan Waxaana lagu qiyaasaa in la gaadhsiiyey adeegan casriga ah in ka badan 1,200 Km oo dalka ah,Waxaa Mashruucan Maalgelineed ka faa’iidaystay dad aad u badan oo ay u noqotay Shaqo abuur ay noloshooda ku maareeyaan.

Waxay Maanta Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable bixisaa Internet-ka ugu badan ee ay isticimaalaan Ummadda Somaliland Waxaa adeegan lagaga maarmay ku hadalkii Telefoonada ee dalka dibadiisa ee lacagta badani ku bixi jiray iyadoo qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu si sahlan oo Maqal iyo Muuqaal ah ula xidhiidhi karo eheladiisa iyo asxaabtiisa ku kala sugan daafaha dunnida.

Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable iyo Internet-ka xawaarihiisu sareeyo ee ay dalka Somaliland keentay wuxuu noqday mid kafeeya isla markaana daboola baahida isgaadhsiineed ee bulshadu qabto haday tahay inuu qofku wax ku barto, Ku Ganacsado amase uu kula socdo dhacdooyinka dunnida ka dhacaya.

Waxay Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable ay door mihiima ka ciyaarataa shaqo abuurka dhalinyarada dalka, Iyadoo shaqaalaha Shirkadan ka hawlgala ay u badan yihiin dhallinyaro waxay shirkadu tartamo aqooneed u qabataa Ardayda Jamacadaha dhamaysay si ay Khibradooda kor loogu qaado iyadoo loo diro shaqooyin dhab ah oo ay ku tartamaan, Shirkada Somcable waxay labada Arday ee ugu sareeya shaqo ka siisaa shirkadan sidoo kalana ardayda jaamacadaha dhigta waxay u jebisaa adeegyada kala duwan ee Shirkadu fuliso iyadoo qiimo gaar ah ku siisa qalabka intarnet-ka.

Sidoo Kale Waxay shirkada SO! Ltd Powered by Somcable waxay wada shaqayn togan la leedahay Warbaahinta Somaliland Iyadoo door weyn ka ciyaartaa Suurto gelinta Munaasibadaha waaweyn ee ka dhaca Somaliland oo ay ka saacido Warbaahinta inay Si toos ah (Live) ah u Tebiyaan Munaasibadahaas si ay Ummadda Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisu si dhib yar ugu daawan karaan Xafladaha dalka ka dhaca ee mudnaanta gaarka ah leh.

Maanta Somaliland waxay leedahay hanti balaadhan oo tacab badani galay oo alle ka sakow ay guusheeda leedahay Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable ee uu leeyahay Ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Muwaadin aynu dhiirigelino Ganacsadaha Maalgelinta ku Sameeyay dalkiisa si uu inoo gaadhsiiyo dunnida casriga ah ee adeegsata Internet-ka Xawaarihiisu sareeyo ee Fiber Optic oo maanta adduunka ka dhigay hal xaafad oo isku duruuf ah.

W/Qoray Abdirisaq Osman

Comments are closed