|

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Baarlamanku ansixiyeen

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu u gudo-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

220 oo soo xaadirtay Kulanka ayaa dhammaan gacanta u taagay Ra’iisul Wasaare Xamse, ma jirto cid diiday ama ka aamustay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya  Baashe Yuusuf ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub oo noqday kii 21-aad ee Soomaaliya  yeelato.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay u ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Comments are closed