|

Goorta ay go’aan soo saarayaan gudida dhex dhexaadinaysa khilaafka Somaliland

Magaalada Hargeysa waxa ka socda dedaalo dhex dhexaadin ah oo ay wadaan guddi ka kooban Golaha Guurtida iyo ergadii hore isu xilqaantay ee cuqaasha iyo culimada ahayd.

Waxa la filayaa in maalinta Salaasada ay soo saaraan go’aano la xidhiidha dhex dhexaadinta ay wadaan, kadib kulamo ay la qaadan doonaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Qurbrjoog oo la hadlay saraakiisha mucaaradka iyo xubno ka mid ah xukuumadda madaxweyne Biixi waxay ku gaabsadeen in ay ka war sugayaan go’aanada gudida dhex dhexaadinta.

Xogo hoose oo aanu helnay ayaa sheegaya in aanay waxba iska bedelin mawqifka madaxweynaha ee ah in la qabto doorashada ururada ka hor doorashada madaxweynaha.

Comments are closed