|

IGAD iyo Soomaaliya oo dhaqaalaha dalka ka shiraya

Muqdisho January 28, 2023 (QJ) – Dawlada Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa shir looga arinsanayo Hanaanka dhaqaalaha buluuga uga furmay magaalada Muqdisho maanta. Kulankan oo socon doona sadex maalmood ayaa la sheegtay in looga wadahadli doono xasilinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha dibadda XFS iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga, Agaasimaha Saadaasha iyo Qataraha Urur gobaleedka IGAD, farsamo yaqaanno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleeyada iyo IGAD.

Shirkan waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socota urur Goboleedka IGAD iyo khuburo arrimaha dhaqaalaha Buluugga ah kuwaas oo falanqeynaya hirgalinta qorshahan qaran.

Ma cada waxa iyo sida dalalka IGAD oo qaarkood aanba laheyn bad uga talo bixin karaan ka faaideysiga kheyraadka badaha Soomaaliya, iyadoo ay hore u jiraan tuhuno damac dalalka kaga jiray badaha Soomaaliya, dawladuna ma sheegin caqabadaha IGAD ka caawin karto oo heysta dhaqaalaha Soomaaliya.

Comments are closed