|

Sheekh Cali dheere oo Baananka u hanjebay

January 28, 2023 (QJ) – Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa manta si caro leh uga jawaabay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegtay in sharcigan ay soo maleegeen shisheeyaha ay dagaalka kula jiraan ee Xalane kugan isla markaana ay u soo dheebeen dawlada oo uu ku sheegtay mid rido ah. Sharcigan oo dhaqangalay ayaa xanibay hanti faro badan oo baananka dalka u tiilay kooxda Al Shabaab taa oo saameysay kooxda.

Cali Dheere ayaa u digay baananka dalka oo uu sheegtay in aaney xanibin hantida ummadda isla markaana Xogta shacabka la wadaagin waxa uu ugu yeeray cadawga.

Cali dheere aya sheegtay in hanti shacab leeyihiin ay ku jirto kuwa la xanibay isla markaana aan taa laga yeeli doonin. Hadalka Cali dheere ayaa u muuqda mid muujinaya in cunaqabateynta dawlada ay saameysay kooxda Al Shabaab.

Comments are closed