|

Ruuto oo sheegay in Ciidamada Kiinyaka baxeyn Soomaaliya

Nairobi June 27,2023(QJ)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa ka hadlay qorshihiisa ku wejahan ciidamada Kenya ee haatan ku sugan Soomaaliya, kadib markii la soo gaba gabeeyay howlgalka ATMIS ee dalkaasi.

Ruto waxa uu sheegay in dalalkii ugu horeeyay ee ku lug lahaa howlgalka, oo ay ku jiraan Kenya, Uganda, iyo Itoobiya, ay ku heshiiyeen in ugu dambeyntii ay ka baxaan ka dib markii ay gaareen horumar la taaban karo.

“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore inaan ku sii jirno Soomaaliya, haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista ATMIS si aynaan u lumin guulihii aan gaarnay kaliya sababtoo ah waxaan ka soo baxnay xaalad adag, al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan masraxa ma ogolin.” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aanka ka bixitaanka uu ku xiran yahay qiimeynta xaaladda. “waxaana fariin adag u diraynaa al-Shabaab si aan looga laaban guulihii aan gaarnay labadii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yidhi Ruto mar kale.

Hadalka Ruto ayaa yimid kadib markii ciidamada ATMIS-ku ay bilaabeen in ay si waji ah uga baxaan Soomaaliya, iyadoo ilaa 2,000 oo askari la filayo in ay dalka uga baxaan bishan June.

Comments are closed