|

Laascaanood oo duqeyn ku socto maalintii labaad oo xiriir ah. iyo Goojacade oo ololeysa

Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta mar kale dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo ay ku lug leeyihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dagaalkan oo shalay bilowday ayaa waxa ka dhashay khasaare baahsan isla markaana maanta ku fiday deegaanada ku xeeran bariga iyo waqooyiga magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu sii xoogeysanayo, taasoo ka sii dartay xaalad cakiran oo markii horeba jirtay.

Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay kacsan tahay oo ay ka jirto xaalad gabaabsi ah oo ay ka mid tahay la’aanta waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay saameynta colaadaasi ku yeelatay goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin iskuul iyo shirkadda isgaarsiinta ee Telesom iyo sidoo kale dhowr xarumood oo muhiim ah sida isbitaalka weyn iyo goobo badan oo la degan yahay.

Geesta kalena wararka lagu soo bandhigayo baraha bulshada ayaa muujinaya duqeymo baahsan oo ciidamada SSC ay u geysteen xerada ciidamada Goojacade, halkaa o la arkayay iyada oo gunbaneysa.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay iska horimaadka socda, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in labada dhinacba ay hawada ka saarayaan warbaahinta oo aad u yar, isla markaana ay aad u yar yihiin. Xaalada magaalada Laascaanood ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid kacsan, inkastoo labada dhinac ay isku dayeen in ay warbaahinta ku xakameeyaan wararka.

Iska horimaadkan ayaa dhawaan ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hadashay, kaasoo bayaan uu soo saaray kaga hadlay xaaladda sii xumaanaysa ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Waxay kale oo ay ugu baaqeen Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka dhibaataysan.

Comments are closed