|

Xasan Sheekh oo shan bilood u qabtay Al Shabaab

Muqdisho August 18,2023(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso in 5 bilood gudahood lagu cirib tiro Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay dejisay istaraatiijiyad dhameystiran oo lagu doonayo in looga guuleysto Al-Shabaab saddex waji, taasoo socon doonta muddo shan bilood ah.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladdu ay ciribtiri doonto ama ay si weyn u wiiqi doonto Al-Shabaab oo ay kaga hortagayso meelaha ay weli joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in istaraatiijiyaddiisa ay ku jirto in dowladdu ay horumar dheeraad ah ka sameyso waxyaabihii laga bartay wajigii hore ee iska horimaadka argagixisada.

Isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka magaalooyinka cusub ee dib loo soo celiyay.

Waxaa hadda bilaabay dadaallo lagu nadiifinayo miinada si loo abuuro jawi ay ciidamada dowladdu si hufan uga hortagi karaan.

Caqabadda ugu daran ee iskahorimaadka socda ayaa ah in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan goobo cusub oo markii hore nabdoon, taasoo keentay khatar weyn.

Comments are closed