|

Bushaaro Baandey oo xarig sharci daro ah lagu riday, caawana loo iibiyay xarigeeda

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) – Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa wariye Bushaara Maxamed Cali ku riday xukun hal sano oo xarig ah. Bushaara Cali Maxamed, oo haysta dhalashada Ingiriiska, ayaa 15-kii May, 2024-kii waxa ay ciidamada Boolisku ku xidheen magaalada Wajaale, oo ku taalla xuduudka Itoobiya.

Waxaa lagu eedeeysay in ay faafisay warar been abuur ah iyo in ay khalkhal gelisay nabadda Somaliland.

Laba Xildhibaan ayaase saxaafada u xaqiijiyay in Maxamed Muuse Biixi u sheegay in ay isaga u xiran tahay isla markaana aanu adeerkeed Maxamed Kaahin sii dayn kareyn.

Xukunkan halka sano ah ayaa loo arkaa mid xaqdaro ah, iyadoo laga soo billaabo maalintii la xiray, waxaana suurtagal ah in si dhaqso ah loo sii daayo.

Bushaara Maxamed Cali ayaa horay ula soo shaqeeysay Warbaahino kala duwan oo Soomaalida ka mid ah, waxaana ay soo bandhigtay maqaallo iyo muuqaalo ka hadlaya cadaalad darada ka jirta Somaliland.

Hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqal insaanka ayaa si adag u dhaliilay xadhiga iyo maxkamadaynta Bushara Cali Maxamed, iyaga oo muujiyay walaaca laga qabo xoriyatul qawlka iyo madax banaanida saxaafada Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa loogu baaqay inay ixtiraamto xorriyadda saxaafadda, isla markaana ay ka shaqeyso sidii ay u abuuri lahayd jawi taageera saxaafadda furfuran.

Comments are closed