|

Ma dhabaa in Muuse Biixi uu Duyuurad ku tegey magaalada Burco iyo sababta

Burco August 19, 2023 (QJ) – Wararka naga soo gaaraya masuuliyiinta amniga u qaabilsan safarka Muuse Biixi ee Burco ayaa xaqiijinaya in Muuse duyuurad ka raacay magaalada Berbera halka masuuliyiintii safarka ku wehelineysay ay wadada mareen.

Muuse ayaa tilaabadan qaatay ka dib kolkii ay madax dhaqameedka Garxajis ku guuldareysteen in ay Jebhada Gacan-Libaax ku qanciyaan in Muuse iyo safrkiisu amni dhulka ku maraan.

Muuse Biix oo tahli waayay in uu safar dhulka ah u tago Burco ayaa haatan isu muujinaya in uu awoodiisa uu ku joogo Burco.

Waxaana la filayaa in sidan oo kale uu duyuurad ugu soo duulo Hargeysa maalmaha soo socda.

Degaanada bariga Burco oo uu haatan Muuse ku sugan yahay ayaa waxa had iyo gooraale ku hareereysan shaqaale dawladeed oo degaano kala duwan laga soo daad gureeyay iyo ciidamo xiran dharka rayidka oo Muuse u muujinaya in uu shacab dhexjoogo.

Si kastaba ha ahaatee Jabhada Gacan-Libaax oo haatan degaano faro badan isku balaarisay ayaa qorsheyneysa hawgalo lagu beegsanayo magaalooyinka.

Mana cada in qorsheyaashu ka mid yihiin beegsi toos ah oo lal eeganayo Muuse Biixi iyo shaqaalihiisa.

 

Comments are closed