|

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo la weeragy Ceelbuur

Muqdisho August 26,2023(QJ)-Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo guulo ka gaaray howlgallada ayaa ay uga xoreeyaan Al Shabaab dadka deegaanka Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegayaan wararka degaanka ciidamada Milateriga ayaa goor dhow gudaha u galay xaafado ka tirsan magaalada taariikhiga ah ee Ceelbuur, waxaana hadda ay sugayaan ammaanka degmooyinka kala duwan ee magaaladaasi.
Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Milatariga ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada, islamarkaana ay ka hortageen Shabaabkii weerarka soo qaaday. Dadka deegaanka Ceel-buur ayaa muddo dheer dhibaato waxa ku hayay joogitaanka Al-Shabaab, waxaana ay kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan.
Imaatinka ciidamada ayaa keenay gurmad, kadib markii ay bilaabeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, iyagoo ku guuleystay in Al-Shabaab laga saaro magaalada.

Comments are closed