|

SSC-Khaatumo oo degaanadooda ka sifeeyay ciidamada Somaliland

Laascaanood August 26,2023(QJ)-Kadib dagaalo xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxa ay ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ay ka saareen ciidamada Somaliland ee ku suganaa gobolka Sool.

Sidoo kale, ciidamada Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabteen ilaa saddex qof oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidamada Somaliland, inkastoo Somaliland aysan weli qiran arintaa.

Colaadan ayaa si weyn looga dareemayo xiisadaha ka taagan Sool. Ciidamada SSC ayaa muddo bilo ah ku guuleystay inay iska difaacaan ciidamada Somaliland, balse hadda waxay la wareegeen dhammaan fariisimaha Somaliland ee Sool oo ay ku jirto xeradii caanka ahayd ee Goojacade.

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ay ku sheegtay in ciidamadooda ay maanta isaga baxeen saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Goojacade ee gobolka Sool.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan qaar ka mid ah ciidamadooda oo la waayay oo aan gaarin halkii loogu talagalay, waxaana ay xustay in ciidanka ay dib u habeyn ku sameynayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya jiidaha hore ee dagaalka Sool ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Khaatumo ay sii xoojiyeen weerarada ka dhanka ah fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Xaaladdu waa kacsan tahay, waxaana la filayaa in warar dheeraad ah ay iftiimin doonaan dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee isa soo taraya.

Comments are closed