|

3200 Foosto oo Biyo ah oo la gaadhsiiyey Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee ku dhaqan Waqooyiga, Koonfurta & Galbeedka Hargeysa DAAWO

Alleybaday, 11. February,2016(SDN/QJ):– Haweenka Reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, ayaa Deeq Biyo ah ugu Tabarucay Dadka Abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaannada Waqooyiga, Koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Gabiley.
Deeqdan Biyaha oo ka kooban 3200 Foosto, ayaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo lagu soo hagaajiyey waxa uu Doraad ku wareejiyey Maayarrada Magaalooyinka Fara-weyne, Gabiley iyo Alleybaday oo ka mid ah Deegaannada Abaartu aadka u saamaysay ee u baahan Biyaha iyo Baadkaba.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ugu horeyn hadal ka jeediyay Munaasibaddii uu Biyahaas ugu wareejiyey Maayarrada Gabiley, Alleybaday iyo Fara-weyne, ayaa yidhi, “Waxaanu Halkan u joognaa 32 Booyadood oo Biyo ah, waxaana Biyahaa loo qaybinayaa Hawdka iyo Gobolka Gabiley, markaa Masuuliyiintii Deegaannadaasina waa kuwan inala jooga.”
Sheekhu waxa uu u duceeyay Haweenka Ururka Hoodaale ee Lacagta Biyahan lagu soo iibiyey ka soo diray Dalka Ingiriiska, “Hablahaasi halkay ka soo saareen Tabarucaadkaasi ILAAHAY wax ka khayr badan ha ugu beddelo, iyaga iyo Carruurtoodana ILAAHAY ha barakeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in Dadku isku tashado, “Xoolihii way le’adeen, Dadkiina Oon bay u Dhimanayaa, markaa inaynu isku tashanno weeyaan oo aynu Hablaheenaa Khayrka badana aynu ku dayanno.”
Maayarka Degmada Alleybaday oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa u Mahad-naqay Hablaha Ururka Hoodaale ee Deeqda Biyaha ah bixiyey, “Haweenka Bristol Cid la tartami kartaa ma jirto’e, hasa-yeeshee Dadka kale ee sida aadka ah uga war-haya Dhibaatada Abaaraha waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa inay ka qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha.” Ayuu yidhi, Maayarka Alleybaday.
Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, ayaa isaguna yidhi, “ILAAHAY (SW) ayeynu waydiisanaynaa inuu Abaaraha innaga soo furto, Idinkana (Hablaha Hoodaale) halka aad ka soo saarteen wax ka khayr badan ha idiinku beddelo, Carruurta, Caafimaadka iyo Cimrigana ILAAHAY ha idiin barakeeyo. Sidoo kale waxaanu u duceynaynaa Sheekh Aadan-Siiro oo aad ugu faro-dhuudhuuban Arrimaha Bulshada iyo u gargaaridda Shacabka Somaliland meel ay joogaanba.”
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Casse, oo isaguna halkaa ka jeediyay hadal kooban, ayaa yidhi, “Maaha markii koowaad ee Ururka Hoodaale ee Bristol ay ka qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha, laakiin, Imika Tabarucaadkani wuxuu khaas u yahay Hablaha Ururka Hoodaale, markaa aad baanu ugu Mahad-naqeynaynaa, waxa kale oo aanu u Mahad-celinaynaa Sheekh Aadan-Siiro oo u hagar baxay Dadka Baahan ee Reer Somaliland, hadday tahay Meel lagu Aaso iyo hadday tahay Meel lagu daryeelo markay nool yihiin Dadka.”
Intaasi ka dib, waxa Deeqda Biyaha ah la gaadhsiiyey Dadka iyo Xoolaha Abaaruhu dhibaateeyeen ee ku dhaqan Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex iyo Gobolka Gabiley oo Degmada Alleybaday ka mid tahay.
Deeqdan Biyaha ah, ayaa waxa ka hadlay oo aad uga Mahad-naqay Dadkii la gaadhsiiyey, “Waxaanu u Mahad-celinaynaa Hablaha Ururka Hoodaale ee Biyahan noo soo diray, Maamulka Gobolka Gabiley, Maamulka Degmooyinka Alleynaday iyo Fara-weyne iyo Sheekh Aadan-Siiro oo ay Habluhu u soo wakiisheen.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka Abaaruhu saameeyeen ee Biyahaasi la gaadhsiiyey.
Dhanka kale, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa isla gelinkii hore ee Shalay Deegaannada Waqooyiga Hargeysa gaadhsiiyey Qayb ka mid ah Deeqda Biyaha ah ee Hablaha Ururka Hoodaale ugu soo Tabaruceen Dadka Abaaruhu sameeyeen.
Sheekh Aadan-Siiro oo hadal kooban ka jeediyay Qaybinta Wejiga labaad ee Biyaha, ayaa sheegay in Axaadiista Nebigu sheegeen in Janno lagu galey Ey Ooman oo la Waraabiyey, sidaas awgeed ay muhiim tahay in Dadka Abaaruhu hayaan loo gurmado.
Guddi uu Sheekhu u xil-saaray qaybinta wejiga labaad ee Biyaha, ayaa iyaguna ka hadlay tirada tuulooyinka Biyaha la gaadhsiinayo.
“Biyaha waxaanu gaadhsiinaynaa Deegaannada kala ah, Bacado, Gubato, Gaboobe, Beenyo-baxday, Ilinta dhexe, Fotka, Balleyga Cad.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddidaasi.

Comments are closed