|

“Dawladda Somalia Diyaarado Kama Joojin Karto Somaliland…” Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland DHAGAYSO

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirka Duulista iyo Hawda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa sheegay in aanay jirin fulin xukuumadda Somalia ku joojin karto duulimaadyadda imanaya dalka. Isla markaana wuxuu sheegay inay Somaliland madaxbannaantahay 25 sanno oo aanay cidna arrimaheeda u daba fadhisan Karin.
Cismaan Saxardiid CaddaniWasiir Caddaani oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Maanta (Shalay), madaxtooyada Somaliland waxa ay xeerka duulista hawada ku celinaysaa Baarlamanka Somaliland, xeerkaasi mudo ayuu rafanayey, marna waxa uu gaadhayey guurtida, marna waa laga soo celinayey iminka markii ugu danbeeyay, waxa uu yaala isga oo aan la isla afgaran, waxaanu ku boorinaynaa gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyadda Somaliland iyo baarlamanka dhamaantood, inay xeerkaasi sidii dawladu u soo gudbisay, ay u gudbiyaan, xeerka duulista madaniga ah ee Somaliland, waxa weeye %70 waxa uu ka kooban yahay shuruucda aduunka , maaha madaarku dukaan qof haysto, ama bakhaar qof haysto oo uu leeyahay, madaarkan waxaa xukuma shuruuc caalami ah oo ay adoonyada oo dhami ay leedahay, %30 soo hadhay waxaa lagu daneeyaa dantaa gaar ee wadankaasi leeyahay siday doontaba ha noqotee.”Ayuu
Sidoo kale, Wasiir Cadaani isaga oo ka hadlaaya amaradii is khilaafsanaa ee ay dawlada somaliya kaga hadashay duulimaadyada ka taga hargaysa Somaliland ee taga muqdisho somaliya, ayaa waxa uu yidhi “Baryahan danbe hadalo ayaa socsocday, ka soo yeedhayey dalka Somaliya ama dawlada somaliya, hadlo ismaandhaaf ah run ahaantii, oo madaxa socdaalka iyo wasiirka duulistu ay ku kala duwan yihiin, anaga sida aad ka war haysaan hadaanu nahay wasaaradda duulista Somaliland kamaanu hadal aritaas, oo waxaanan uga hadlin macluumad ayaanu baadhaynay, waxan dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo somaliya, iyo caalamka u sheegaya in aanay jirin wax alla wax fulin ah oo dawlada somaliya, Somaliland duulimaadyo kaga joojin kartaa , waayo dawlada Somaliland waa xor oo dadkeeda ayaa u codeeyay mudo 25 sano ah, haday dhulkeeda tahay, haday badeedatahay, iyo haday cirkeeda tahayba iyagaa u taliya oo cid kale oo ay u daba fadhiisanayaan ma jirto, waxa kale oo jira maanta hawada inaga iyo somaliya inaga dhaxaysa, waxaa xukuma hay’adda qaramada midoobay u qaabisan duulimaadyada ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa( icao) oo gacanta ku haysa, waxa kale oo jira heshiis madaxwenaha somaliya iyo madaxweynaha somaliland ay galeen, oo ku saabsan hawada labada dal, heshiiskaas oo caalamku ogaa, waxaad moodaa in dawlada somaliya ka noqotay, ama ay ku rafanayso, anagu hadii anu nahay wasaaradda duulista Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaanu caalamka u sheegaynaa , in aanu aaminsanaahy heshiiskii labada madaxwene saxeexeen, hadii wax lagaga noqonayana in aanan marnaba, aanaan ogalaanayn, in aan madaxbanaanida hawadayada aanu cidkale u dhiibno.”
Dhanka Kale, wasiirku waxa uu sheegay in ay madaarada Somlialand isticimaali karaan dadweynaha reer Somaliya hadii ay sitaan basboorka wadankooda oo ay dhawrayaan shuruucda Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in madaarda ku soo dhaweynahaan marka ay madaxda somaliya diyaaraduhu la soo fadhiistaan ee uga sii gudbayaan wadankooda ama wadamada kale, in ay u furayaan qolka nasashada ee vip-da sida ay ugu furaan madaxda wadamada jaarka iyo caalamkaba.

Comments are closed