Ankara:Dec,24,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegtay saxaafaradda Somalia ku leedahay dalka Turiga, Afar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa u baxsaday Dalka Turkiga kuwaas oo dhawaan Turkiga loo geeyey inay tababar halkaas kusoo qaataan.
Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maalintii jimcihii oo taariikhda ku beegneyd 19-December ku sagootiyay shaqaalahan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo ka raacay Diyaarada Turkish Airways.
Shaqaalahan oo gaadhayay 10-ruux oo mid ka mid ah ay aheyd Dumar ayaa qorshuhu ahaa in Tababar xaga xirfada IT ku soo qaataan magaalada Ankara, iyadoo tababarkan ay bixineyso Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga.
Ujeedada tababarkooda ayaa lagu sheegay in dhalinyaradan marka ay wax kasoo bartaan Wasaarada Arrimaha dibada Turkiga in loo kala qeybiyo safaaradaha Soomaaliya ee dibada si qeybta IT-ga iyo isku xidhka dhanka Isgaadhsiinta ee Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala Wadamada aduunka oo dhan uga shaqeeyaan.
4 ka mid ah 10-ka ruux ee tababarka loogu diray Turkiga ayaa maalintii Axadi u baxsaday dalka Gariiga, iyagoo qaab qarsoodi ah ku galay, sida warqad qoraal ah oo ka soo baxday Safaarada Soomaaliya ee Turkiga lagu xaqiijiyay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mid kale oo xalay isku dayay inuu baxsado la qabtay, waxaana dhici karta in loo soo musaafuriyo Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyaradan aanay aheyn shaqaale rasmi ah, balse qaab dhoofis ah lacago looga qaatay, si ay u matalaan shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada, marka ay tagaan Turkigana ka sii dhuuntaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.
Tallaabadan ayaa dhirbaaxo xoog leh ku ah isku dayo Turkigu doonayey inuu ku Hormariyo Xirfadda shaqaalaha soomaalida, waxana ay arrintani keeni kartaa in hoos loo dhigo dardargelinta Hawlaha turkigu Somalia ka wado.
SDN/QJ
