Uncategorized

Boqor Buur-madow Oo Musuqmaasuq iyo Xatooyo Laxaad Leh usoo jeediyey Wasiirka Maaliyadda, Musharaxnimada Muuse Biixina Taageeray

Dubai:Dec,24,2014(SDN/QJ)-Waxa isasoo Taraya Madax-dhaqameedka Weerarka qaawan ku Haya Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdcasiis Maxamed Samaale, waxana Dadka dhaliisha weyn usoo jeediyey ugu dambeeyey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo haatan ku sugan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

buurmaowBoqor Cismaan, ayaa Wasiirka Maaliyadda ku tilmaamay ni Hantidii qaranka jeebka ku shubtay, isla-markaana Musuq iyo Xatooyo ku foogan.

Boqorka oo u warramayey Warbaahinta Xukuumadda Taageerta, ayaa sheegay in Hadii Madaxweyne Siilaanyo waxba ka qaban waayo Musuqa Wasiirkiisa Maaliyadda uu isaguna lamid noqon doono oo karaamadiisu lumi doonto.

Cismaan Buur-madoow Waraysigaas laga qaaday oo aan su’aalo laga weydiin waxa uu ku caddaynayo eedaynta qaawan ee uu u jeediyey Wasiir Samaale, waxa uu kaga hadlay go’aanka ay Guddiga horumarinta iyo Salaaddiinta Beesha Sacad Muuse sheegeen inay ku kala reebeen Musharrixiinta Beesha ee hore u shaaciyey inay u tartamayaan Xilka Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE marka Madaxweyne Siilaanyo dhammaysto markiisa labaad, iyagoo sheegay inay Muuse Biixi Beeshu u dooratay Musharrax, halka ay labada Musharrax ee kalena sheegeen inay hakiyeen, kuwaasoo kala ah Wasiirrada arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Buur-madoow waxa uu sheegay in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale ay tahay in Maxkamad la soo taago, isagoo sheegay inuu lunsaday hanti Qaran, maaddaama ay sidaas tahayna Maxkmad la horgeeyo sida uu ku dooday. Hase-yeeshee, mar keliya sooma bandhigin mana sheegin wax caddayn ah oo uu u hayo eedaynta Musuqmaasuq ee uu Wasiir Samaale u jeediyey.

Garabka dhinaca Muuse Biixi taageersan ee Beesha Sacad Muuse oo uu fan-garaynayo Ganacsade Maxamed Aw Siciid, ayaa maalmihii u dambeeyey waday dhaqdhaqaaqyo ay Salaaddiinta kale ee aan Beesha ahayn taageero kaga raadinayaan, iyadoo la sheegay in taageero raadintaas lacag badan lagu bixinayo, waxaana ka hor Buur-madaw isaguna arrintan ka hadlay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sheegay inay habboon tahay in la taageero go’aanka Salaaddiinta iyo Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse qaarkood gaadheen ee ay ku kala reebeen Musharrixiinta Beeshaas.

Dhinaca kale ee Wasiirrada ayaan iyaguna dhaq-dhaqaaqyadaa ka madhnayn, iyagoo saaka Salaaddiinta Beesha Sacad Muuse ee taageersan labada Wasiir Shir Ballaadhan oo ay ku taageerayaan Musharraxnimada labada Wasiir ee arrimaha dibedda iyo Maaliyadda ku qabanayaan Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa 24-ka bishan oo ku beegan Arbacada Maanta.

 SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@Somalidiasporanews.com