Hargeysa:04-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii shalay xabsiga ku gurtay Wariyayaal Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalka, kuwaas oo Muujinayey Dareenkooda ku Aaddan Dhibaatada Dawladda iyo Hay’adaha Garsoorka oo is Huwani ku hayaan warbaahinta waddanka.
Wariyayaashan oo tiradoodu tahay Afar ayaa ka qayb galayey mudaraharaad salmi ah oo Saxaafadda madaxa Bannaan ee Somaliland kaga soo Horjeedday Sii daynta ay xukuumaddu sii daysay Gadh-wadeenka Weerarkii lagu qaaday Hawlwadeenada Wargeyska Madaxa Bannaan ee Hubaal.
Afartan wariye ayaa kala Xasan Maal Dhidar oo Ka Tirsan Telefishanka Universal, Siciid Khadar oo ka tirsan Telefishanka Bulsho, Cabdisalaan Cabdirashiid oo isaguna ka Hawlgala Telefishanka Bulsho iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka Tirsan Shabakada wararka ee Xog-reebnews..
Wariyayaashan, ayaa wali ku jira Xabsiga, waxana sidoo kale la xidhan agabkii ay ku hawlgali jireen oo ciidanka Boolisku gacanta ku hayo.
Amarka lagu xidh xidhay Wariyayaashan ayaa ka soo Baxay shakhsiyaad ka tirsan madaxtooyada oo sidoo kale ka dambeeyey sii daynta ninka Gadhwadeenka ka ahaa weerarkii isku dayga dilka ahaa ee lagu qaaday Hawlwadeenada wargeyska Hubaal Toddoba Bilood ka hor.
Shakhsiyaadkan madaxtooyada somaliland Hoyga ka dhigtay, ayaa ugu dan leh xadhiga wariyayaashan in Saxaafadda lagu baqdin geliyo oo aanay ka hadlin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin iyo xorriyatul qowlka.
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo markii horeba loo tuhun sanaa inuu kala daadinta Kiiska Hubaal iyo Dambabaskiisaba Kaalin weyn ku lahaa, ayaa isaguna ah Tiir dhexaadka dhegta loo soo saaro Xadhiga Wariyayaasha, waxana uu si fudud u soo qaataa Amarrada Qaldan ee shakhsiyaadka Madaxtooyada joogaa u soo dhiibaan.
Ururka Saxafiyiinta somaliland ee Solja ayaa si weyn ugu dedaalay inay soo daayaan Wariyayaashan xidhan, waxana Xoghayaha ururkaasi Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Faarax uu si weyn u cambaareeyey Xadhiga iyo Tacadiga lagula kacay Saxafiyiintan Hawlahooda shaqo ku jirey.
Wasiirka warfaafinta somaliland oo intii Xukuumadda kulmiye jirtey oo kaliya ka sii maqnaa Mihnadda saxaafadda ayaa isaguna il qoodha ka eegaya dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxa Bannaan oo ah sallaankii uu u soo maray wasiirnimada uu haatan hayo.
S.D.N
