Uncategorized

Beledweyne:Nin ku eedaysnaa Dilka Nabad-doon caan ahaa oo Maanta Xukun lagu Fuliyey

dil-fulinsssBaledweyne:5-aug-2013 (SDN)Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku filaysay gacan ku dhiigle magaalada Beledweyn hore ugu dilay nabaddoon si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan kaas oo ka  dhacay meel fagaare ah oo ku taala magaalada Beledweyn,

 

Afhayeenka maxkamada ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse, ayaa warbaahinta  uga waramay xukunka ay maxkamaddu ku ridday dambiilahaasi iyo dilka ay maanta ku fulisayba, isagoo sheegay in maanta ay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Muqtaar Xasan Maxamed.

 

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse.  Ayaa waxaa uu yidhi‘’Eedeysanaha waxa uu  ka tirsanaa Shabaab magaciisana waxaa la yidhaa Muqtaar Xasan Maxamed 18 Jir ahaa ina Xaawo Macalin Isaaq,  kuna dhashay Baydhabo deganna Beydhabo  eedeysanahaasi waxaa la soo qabtay 27.11. 2012 isagoo fal dil ah oo badheedh ah ka geystay G/Hiiraan,  una geystay Allaha u naxariistee Muxumad Xuseen Cabdi oo loo yaqaanay Marya Cadde, eedeysanahaasi markii maxkamada la horkeenay 7. 2. 2013 ayaa xukunkiisu soo baxay,  isagoo qirtay in uu yahay dambiilaha gacan ku dhiiglaha ah ee dilay marxuum Maryacadde’’

 

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu faahfaahiyay sababta uu u dilay marxuumka,  wuxuuna caddeeyay in Abaabulka iyo Amarka uu ku dilay marxuumka uu lahaa horjooge ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan iyo Cabdi Casiis Maxmed, Labaduba wey baxsadeen waxan ay ahaayeen reer Hiiraan.

 

Somalidiasporanews.com