Burco:5-aug-2013 (SDN)-Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Burco, ayaa Dawlada boob xoogan ku haysa dhulkii danta guud, kadib markii tiroba laba kaalmood oo ka mida kaalmihii dawladii hore ee siyaad Bare lahayd ay mulkiyado ugu samaysay dad shicib ah hore gacanta ugu hayey.
Arintan ayaa sababtay qaylo-dhaan ka soo yeedhaysa Isu-duwaha Wasaaradda hawlaha guud ee Gobolka Togdheer Xasan Qawdhan warsame(Xasan caana-kariye), kaasoo sheegay inay dawlada hoose ee Burco faro-baas ku hayso Dhulka danta guud ee Magaalada.
Xasan Qawdhan Warsame oo arrintan kala hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa boobka danta Guud ee Burco ku Eedeeyey Dawladda Hoose Ee Burco, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dhulka Danta guud ah waxa boob iyo farabaas ku haya dawlada hoose,wareeg tooyinka Madaxwaynahana way iska dhega tiraan oo ma daneeyaan anaga ayaa gacanta ka wada saarnay,waxa la joojiyay oo digreeto madaxwayne lagu joojiyay fidinta magaalooyinka ilaa amar danbe in fidinta magaalooyinka la joojiyo,waxa kale oo la amray inay danta guud wixii hawlaha dhul ah ee ay u hayaan ay kusoo wareejiyaan hawlaha guud,fidintiina may joojin ee way wadaan oo saakadan bay wadaan waraaqihiina waanu gaadhsiinay digretooyinkiina waanu gaadhsiinay digreetooyinkii madaxwaynaha iyo kuwii wasiiradaba waxna ka dhegaysan maayaan,waxay bixinayaan dantii guud, shacabkii hantidii dawlada cid wax ka qabatayna ma jirto,iyana waa nala soo doortay uun bay yidhaahdaan, qofkii shacabka ahaana waxa uu odhanayaa aniga dawlad baa i siisay oo dawladii waa isku mid oo dawlad baan u aqaanaa, halkay danta guud ak lunsantahayna waa halkaas,wixii beera ah ee ay sarfay gareeyaan danta guud ee ka soo baxana iyaga uun baa isticmaala ee wax umada wax tara maaha,markaas anagu waaanu u baaqaynaa dawlada waa in uu burco yimaado odhitku”ayuu sheegay Qawdhan.
Isu duwaha oo ka hadlaya kaalmihii dawladii hore lahayd oo oo ay hada Dad shicib ahi ku ganacsadaan oo ay haystaan isla markaana ah dhul dawladood una diiwaan gashan wasaarada hawlaha guud waxa uu yidhi ”anaga kaalmuhu way noo diiwaan gashanyihiin waxaana taala cida iska fogaysa qoraalkeeda ayaan ka fogaanayn cida isku dhawaysana hadaan qoraal laga hayn dee qoraal lagama hayo,markaas cidii bixisay waanu haynaa qoraalkeedii waanay ogtahay dawladu cida bixisay iyo cida aan shaqo ku lahayn,anagu hawlaha guud ahaan cidii waraaq ay qortay hayaa hala kaalayo dhulkaasna waxa bixisay dawlada hoose iyo cidii ku taageeraysay”ayuu yidhi.
Arrintan ayaa caddaynaysa inaanay Gebi ahaanba Gobolkaas ka hirgelin oo la iska indho-tiray Degreetadii uu madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay in si gaar ah loo isticmaalo Hantida Guur ee Dawladda, waxana arrintani si hoose u caddaynaysaa inay jiraan awoodo hoose oo dhinaca qabiilka ah oo ay masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Togdheer ay ka haystaan Madaxweyne siilaanyo.
