Muqdisho 11.Aug (SDN) Wasiiro iyo xildhibaanoo ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu daahfurayay hey’adda ka hortaga iyo badbaadinta carruurta darbi jiifka ah, taasi oo looga dhawaaqay magaalad Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaano, culumaa’udiin, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa waxa ay sheegeen inay ka qayb qaadan doonaan daryeelka carruurta darbijiifka ah.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la caawiyo carruurta darbijiifka, waxaana uu bulshada ku booriyay inay u istaagaan sidii carruurta darbijiifka ah nolol wanaagsan ay u heli lahaayeen, isagoo ku baaqay in la furo sanduuq kaalmo loogu aruuriyo.
Xildhibaan Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carruurtan ay u baahanyihiin in noloshooda la dhiso oo mujtamaca lagu soo daro, si bulshadu uga nabadgasho, iyaguna ay daryeel u helaan, taasina ay tahay arrin muhiim ah oo laga doonayo bulshada iyo dowladuba in ay u istaagtaan.
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo lahaa aas aaska iyo fikirka hay’adan loogu magac daray Hay’adda ka hortagga iyo badbaadinta carruurta darbi jiifka ah ayaa sharxay ujeedka uu hay’adan u aas aasay.
“Hadafka laga leeyahay Hay’adan waa in la badbaadiyo carruurta darbijiifka ah, hadba inta la awoodo, waxaana aaminsanahay carruurtan hadii ay helaan daryeel inay mustaqbal wanaagsan yeelan karaan oo ay noqon karaan hogaamiyaasha bulshada ee berito” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.
Gabagabadii munaasabadda lagu daahfurayay hay’adda badbaadada darbijiifka waxaa ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye, waxaana uu xusay in hadii iskaashi buuxa la sameeyo wax badan laga qaban karo dayaca haysta carruurta darbijiifka ah ee Muqdisho ku nool.
Talaabadan uu Xildhibaan Mustfa Sheekh Cali Dhuxulow ku aas aasay hay’adan ka shaqaynaysa daryeelka carruurta darbijiifka ah, ayaa ku soo aadaysa xilli ay jiraan carruur badan oo dayac uu ku haysto magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u baahan in ay helaan daryeel nololeed, waxaana munaasabadii lafu furayay hay’adda lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya dhibaatada haysata carruurta darbijiifka ah ee ku nool Muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
