Hargeysa:22-Aug-2013-(SDN)-Bqor cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah Madax-dhaqameedka caanka ka ah meelaha Soomaalidu Degto, ayaa sheegay in tan iyo intii Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqotay wixii dheef ah ee laga helay ay afka si gaar ah ugu shubteen Beelaha Dhexe iyo midda Galbeed ee Aagga Boorama.
Boqor cismaan oo maalintii shalay ka hadlayey munaasibad qado ahayd oo uu madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland u sameeyey waftigii ballaadhnaa ee dhawaan ka yimi Deegaanka Fiqi-fuliye, ayaa farta ku fiiqay Dheef badan iyo manfac ay labada Beelood Badhtamaha iyo Galbeedka Somaliland in muddo ahba kaligood iska jaqayeen oo aanay ciddii kale ee wax la lahayd shaarubaha u saarin, “ xukuumadda waxan leeyahay Beesha Dhexe iyo Beesha Darafka Galbeed, Manfac iyo lib wixii ay Somaliland lahayd Gacantooda way ku daashaysiinayeen, maantase la isugu soo gal oo la isugu yimi, la iskagana tegi maayo,”ayuu yidhi Boqor cismaan Buur-madow.
Sidoo kale waxa uu boqor Cismaan xukuumadda u sheegay inaanay qiimo badan lahayn soo dhaweynta ay samaynayaan, waxana uu u tilmaamay inay qaadaan tallaabooyin cad-cad oo muuqda si loo qanciyo cidda wax tirsanaysa, waxana uu yidhi, “waxan leeyahay Madaxweyne-ku-xigeen Soo dhaweyn iyo Casuumadi rag kala saari maysee Liisaska Fura oo ilaa dastuurka hala furo,”
Waxa kale oo uu Boqor Cismaan Madaxweyne-ku-xigeenka hortiisa ka tiriyey mansabyadii ugu qiimaha Badnaa Somaliland oo dhexda ugu duuban beelaha dhexda iyo Galbeedka Somaliland, islamarkaana ay ka qatan yihiin Beeshii kale ee Barigu, waxana uu yidhi, “ suurtogalna ma noqonayso inaynu Madaxweynaha haysanno oo ku xigeenka haysano oo Baarlamaanka Haysano, Oo Guddoomiyaha Guurtida Haysanno, oo Saddexda Wasaaradood ee ugu waaweyn ee Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Maaliyadda haysano oo aynu nidhaahno Somaliland yaa inaga maqan caqliga ma gelayso. Caqligana in la ballaadhiyo ayaa wanaagsan maanta waad fadhidaaye.”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo muddo dheer ka soo horjeeday siyaasadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hadda ah Garabada ugu waaweyn ee talooyinka siiya, waxana uu haatan kaalin weyn ka qaatay sidii ay Beesha Naaleeye Axmed ee Deegaanka Sool iyo Sanaag/bari loogu qanciyey inay ka mid noqdaan Hannaanka Nabadda iyo Horumarka, islamarkaana dhinac iska dhigaan colaadda iyo nabadgelyo darrada.
Hadalkan uu Haatan Boqorku xukuumadda dhegta ugu sheegayna waxa uu muujinayaa sida ay ugu go’an tahay in Bulshada cusub ee markii hore ka maqnayd Somaliland ay muhiimka u tahay in la siiyo wixii ay xaqa u lahaayeen oo dhaafsiisan casuumado iyo soo dhaweyn.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
