Waxaa ayaandaro ah xaalada dalkii maraayo oo maalinba maalinta ka danbeysa quus ku gelinaysa. Ruuxa caqliga fayoobina is waydiinaayo sababta xukuumadu u doorbidey inay qaado dhabihii horseedilahaa kala yaac ama qaran dumis. Waxaa kale oo iyana iswaydiin mudan oo qofkii in uun xasuusi ku hadhay uu is waydiinayaa waxay ku dhinteen kumanaankii qof iyo mujaahidiintii xoriyada aynu maanta hadhsanayno u go’ay. Maxaynu burbur, qax, dhimasho, leeleel, iyo dagaal uga dooranay dowladii markaa jirtey cadaadis kasta haynagu haysee, haday ay ku danbeynayso sidatan iyo Haddii raggii lagu tirinaayey inay ka naxayaan u gelayaan sidan. shacabkeygu maxay taangi iyo baybay iyaga oo dhagax tuurayaa ugu badheedheen. Silaayo Ilowshiiyo dhawaa ma umul baa shalay bay ahayd markii dadkiisu wadhnaa Dulcad, Daroor iyo xeryihii kale qaxoontiga.
Miyeynu ka yeelnaa sida xukuumadani dalkii iyo dalkii ukala qoqobtey, loo kala qaloonaayo, qaran dumiska, hanti boobka, cabudinta iyo weliba hada oo ay ku darsatey kii yidhaa ka daabaya in ciyaala suuqa layidhaa cay u miisa. JAwaabtu waa mayaa. Guntii iyo gebogebadii haddaynaan isdaba qaban meel fog baynu ka daydayi markaa dalka masteexiisi aaway?
|
|
gadafeeyay timahoo |
|
|
guur u feedhanaaye |
|
|
go’e maanta jooga |
|
|
sawtan laysay gaajadu |
|
|
miyuu geesi noolyahay |
|
|
wabigii ganaaniyo |
|
|
haraad li’i u gamaayex |
|
|
gaashaan qaadi joogaa |
|
|
sotan laysay gaajadu |
|
|
miyuu geesi noolyahay |
|
|
habeen madow gudaysoo |
|
|
tii oon gudin u hayn bay |
|
|
gacmihii i daaleen |
|
|
yaa garwaaqsan jirayeey |
|
|
yaa garawsan jirayeey |
|
|
yaa dagaal ku galayeey |
|
|
Yaa garan waxa i gubay |
Fanaankii Weynaa Marxuum Maxamed Mooge (ilaahay naxariistii janno haka waraabsho)
Waxaan u malaynayaa hadal inu dhamaadey oo maanta lagaadhay waqtihii layidhi “ yaa maalijirayey”
INTA KALE BULSHO WEYNTA SOMALILAND IYO GEESIGII KA NIXIJIREY BAL INAY GAROWSADAAN AYAAN GEES UGA ISTAAGAYAA.
ALLE WEYN NINKII AAMINA AWOOD LEH
MUHAMAD JAMA KOODBUUR (SHIINE)
LONDON
