Vatican Sept 06,2013(SDN)-Wadaadka ugu sareeya Mada mad-habta Catholic-ga ee Pope Francis ayaa qoraal uu u diray madaxda haatan shirku uga socdo Ruushka ee G20 ayaa waxa uu ku sheegay sida uu uga soo horjeedo weerar ciqaab ah oo lagu qaado dalka Syria.
Wadaadka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu hayo qorshe dhexdhexaadin ah oo nabad waarta looga dhalin karo dalka Syria.
Wadaadka Catholic-ga u sareeyay ayaa qoraalkiisan uu u diray shirka G20 waxa uu ku sheegay in dano gaar ah laga hor mariyay xal laga gaaro colaada Syria.
dawladaha dunida ugu waaweyn ayaa ku kala qeybsamay sidii xal nabadeed oo loo dhan yahay looga gaari lahaa colaada Syria ee labo sano jirsatay.
SDN-Vatican
contact@somalidiasporanews.com
