Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu mudo 30 sanadood ka badan ku sooo dhex jiray saaxada saxaafada isla markaana aqoon iyo khibrad dheeraad ah u leeyahay arimaha la xidhidha saxaafada iyo qaybaheeda kala duwan
Hadaba waxa aan wax yar ka taaban doonaa waxqabadkiisa muuqda ee aan la iska indha tiri Karin mudadii aadka u koobnayd ee uu xilka wasiirnimo u magacaabay madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo )
Abdilahi maxamed daahir (cukuse ) waa saxafiga kaliya ee aan loo xidhin war uu baahiyey mudadaa uu kusoo dhex jiray saxaada iyadoo wadankii Somalia wakhtigaa uu ka talinaayey macangag kaligii taliye ah, tani waxay sumad iyo tusaale loogu soo qaadan karaa saxafiga iyo wariyaha wanaagsan .
Wasiir Cabdilaahi oo xilkiisan ay qaybaha warbaahintu raali ka noqdeen Maalintii loo Magacaabay, ayaa noqday wasiirkii u horeeyay ee saxaafadda si gaar ah u hambalyeeya isaga oo markiiba kusoo kordhiyey idaacad quraanka kariimka ah oo 24 saacadoodba la dhagaysan karo , taasi oo muujinaysa ama aanu markhaati ka nahay inuu yahay masuul garowsan isla-markaana fahamsan waxa xilkiisu yahay.
Akhristayaal, aan qodob kale idin xasuusiyee, Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), tan iyo markii la Magacaabay waxa uu caado ka dhigtay in safar kasta oo uu ku tago gudaha dalka ama dibadiisaba, sida Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya uu kaxaysto wariyayaal shacabka u soo gudbiya macluumaadka la xidhiidha safarkiisa iyo waxyaabaha uu kala kulmo masuuliyiinta uu halkaasi kula shiro, taasi oo muujinaysa kalsooni dheeraad ah, kagana duwan yahay wasiiradii hore usoo maray wasaarada warfaafinta , taasina waxay keentay in shacabku mararka ay faaqidayaan kala duwanaanshaha wasiirrada xukuumadda Somaliland ay isaga ku tilmaamaan masuul cod kar ah, iyaga oo mararka qaarkood Tusaale u soo qaata dood laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du u qabatay wadahadalladii Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadalkayga war aan ka akhriyey HALBEEGNEWS in ninka layidhaado C/CASIIS BASHIIR uu si ixtiraam daro iyo sharaf dhicid ahba uu ku aflagaadeeyey wasiir cukuse oo maamuus mooyee aan aflagaado ka mudnayn shacabka reer Somaliland guud ahaan , waxanan leeyahay” hadalka gefka ah ee aad leedahay miyaanu af-xalaal cunay ka soo bixin”….
QALINKII : DEEQ MUXUMED GUURE
EMAIL: GUURE2008@LIVE.COM
0634195225
