Uncategorized

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka waddooyinka ee haatan Golaha wakiillada Horyaalla {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.Sep 2013 (SDN)-Xildhibaan Koore oo maanta Golaha ka hor akhriyey Dood dheer oo cilmiyeysan  ayaa soo jeediyey in meelaha cashuurta la saarayo  laga daayo  Xoolaha Nool iyo Gaadiidka waddooyinka isticmaalla, islamarkaana Beddelkeeda cashuuro badan la saaro waxyaabaha aan dadka noloshooda sida tooska ah u taabanayn ee ay ka midka yihiin Waxyaabaha la is mariyo(Cosmetics) electronics-ka, xawaaladaha, qaadka, sigaarka iyo waxyaabaha la hal maala ee aan dadka noloshooda sida tooska ah  saamaynta ugu lahay.

Xeerkan ayaa waxaa Mudanayaasha Warbixin ka siiyay Dhawaan Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi X.Cali Xasan oo ay Hoos tagto Hay’ada Qaranka u qaabilsan dhinaca wadooyinka .

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Xildhibaan Koore
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xildhibaankoore17(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com