Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa lagu wadaa inay maanta jawaab adag ka bixiyaan Eedihii kala dambeeyey ee Madaxweyne Siilaanyo u kala dambaysiiyey.
Sida ay madaxda ugu sarraysa Madashu Habeenkii xalay u xaqiijiyeen Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxa ay Maanta qaban doonaan shir weyn oo ay jawaab kaga bixinayaan Ilaaqdii Madaxweynaha iyo Ashkatadii uu iyaga kaga cabanayey.
Madasha sidoo kale laga sugayaa inay soo bandhigaan sababaha rasmiga ee Shirkaddii shidaal-qodista ee Genel Energy dalka ugu baxday iyo waliba Bixitaankii Ethiopian Airline oo dalka dhibaato weyn ku keentay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa intuu ku dhex jirey safarkiisii dalka Gudihiisa, waxa uu si kulul u naqdiyey Sharcinimada Madasha, waxana uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay mawqif cad ka qaataan Golahan uu ku sheegay Haya’ado sharcidarro oo dalka qaskiisa u taagan.
Hore ayey madaxda Madashu madaxweynaha ugu dhaliileen inaanu shacabka jawaab qancisa ka siinin sababaha keenay Bixitaanka Genel Energy, iyagoo sidoo kalena ku canaantay maqnaanshiyaha ku-xigeenkiisa iyo isaguba ay caasimadda haatan kaga maqan yihiin.
Shacabka Somaliland intooda badan oo Madasha wada-tashiga iyo toosinta u arka Mucaaradka kaliya ee dalka haatan ka jira, ayaa si weyn dhegaha ugu taagaya weedhaha ay maanta ku Gani doonaan Madaxweynaha iyo Maamulkiisabaj.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
