Qahira Sept 18,2013,2013(SDN)-Ciidamada Booliska ee dalka Masar ayaa xabsiga dhigay afhayeenkii Ikhwaanka ee uuqada Ingriisida ku bixin jiray mowqifka xisbigan talada laga maroorsaday.
Gehad el-Haddad ayaa boolisku ku eedeeyeen in uu abaabulay colaad sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada dalkaasi.
Gehad ayaa ahaa afhayeenka Ikhwaanka ee loogu wareysiga badnaa xiligii madaxweyne Morsi uu talada dalkaasi hayay.
Iyada oo weliba ay Saxaafada caalamku si weyn uga wareysan jirtay siyasaada Morsi iyo isbedeladii dalkaasi ku yimi ka dib kolkii ciidamadu ay taladiidalkaasi ka maroorsadeen Morsi.
Gehad ayaa abihii Essam waxa uu la taliye dhanka arrimaha dibedda u ahaa madaxweyne Maxamed Morsi,waxaana uu xabsiga ku jiray intii ka danbeysay afganbigii.
Dawladaha reer galbeedka ee taageera ciidamada talada dalka Masar awooda kula wareegay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan xarigyada ay ciidamadu u geystaan taageereyaasha Ikhwaanka.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com
