Uncategorized

“Waxaan ku faraxsanahay in Goobtan oo aan sannad iyo badh ka hor dhagax dhigay inay maanta heer lagu faano marayso” Aamina Weris

Burco 18.Sep 2013 (SDN)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamud Jirde “Aamina Weris” oo ku Sugan Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco ayaa kormeer ku soo samaysay Goobta laga dhisayo Xarunta Daryeelka Caruurta Agoomaha ee Magaalada Burco.

Wakiilka hay’ada HEEDO Marwo Amaal Cali Maxamed ayaa Marwada Madaxweynaha warbixin ka siisay marxaladihii  ay maratay Goobta loo dhisayo Caruurta Agoomaha ah ee  Magaalada Burco.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa baaq u jeedisay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Samo falka Wadaniga ah ee u dhaq dhaqaaqa daryeelka Caruurta Agoomaha ahi oo ay ku dhiirigelisay inay qaybtooda ka qaataan hirgalinta Xaruntan.

aamina weris wadarSidoo kale Wasiirka Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa uga Mahadcelisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamud Jirde “Aamina Weris” dadaalka ay ugu Jirto inay ka dhabayso hirgalinta xaruntan oo qayb weyn ka qaadan doonta sidii ubadka agoomaha ahi ay u heli lahaayeen goob lagu xanaaneeyo laguna daryeelo.

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamud Jirde “Aamina Weris” ayaa tilmaan ka bixisay Ujeedooyinka laga leeyahay Xarumaha noocan oo kale ah waxaanay sheegtay in Xarunta ay ka hirgalinayso magaalada Burco ay ku faraxsan tahay halka ay maanta marayso “Waxaan ku faraxsanahay in Goobtan oo aan sannad iyo badh ka hor dhagax dhigay inay maanta heer lagu faano marayso,wax alaaliyo wixii aanu ku tari karno waxba kala hadhi mayno,ha ahaato eray aanu u Nidhaahno, Guubaabo aanu u samayno ama Maalgelinta oo aanu ka qayb qaadano diyaar ayaanu u nahay wax kasta oo ay ku kacayso dhamaystirka xarunta agoomaha ee magaalada Burco”. Sidaa waxaa Tidhi Marwada Madaxweynaha Somaliland.

Marwadu waxay u Mahadcelisay hablaha isu xil saaray hirgalinta Xaruntan iyo dawlada hoose ee burco oo door muuqda ku leh dhamaystirka Xaruntan iyadoo xustay in dhismahani uu noqon doono hoy lagu dhiso Mustaqbalka Ubadka agoomaha ah.

Geesta kale waxay Marwada Madaxweynuhu kulan kula qaadatay magaalada burco haweenka kala duwan ee Ku nool magaalada burco kaas oo lagaga arrinsanayay horumarinta haweenka Magaalada burco.

Burco SDN.

Qurbejoog.com