Uncategorized

Bare Hiiraale oo Qaadacay ka Qayb galka Shirka loo Qoondeeyay inuu ka dhaco Muqdisho

Kismaayo 18.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Jubbaland ee uu horseedka u yahay Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay shirka dhawaan la rabo inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu tilmaamay inay ka soo qayb gali doonaan dhamaan kooxaha isku haya siyaasada Jubooyinka ee Maamullada kala duwan ku dhawaaqay.

barre-hiiraale21Sarkaal u hadlay Maamulka Jubbaland ee Bare Hiiraale ayaa ka hadlay arrimahasi,waxaana uu sheegay in qayb ka galka shirkaasi uu xiran tahay sharuud haddi laga soo baxo shurudaasina ay ka qayb gali doonaan,Dr Xasan Qaasim warsame oo ka tirsan Saraakisha maamulka Bare hiirale waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo xasaasiya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Sharuudo ay soo hordhigi doonaan dawlada federaalka ah isla markaasna aysan aqbali doonin inay shirkaasi ka qaybgalaan hadii sharuudahaas la buuxin waayo.

Ugu dambeyntii waxa uu ka hadlay Axmed Madoobe iyo ka qayb galkiisa shirka Brussels,waxaana uu shaaciyey inuu Axmed Madoobe dantiisa shirkaasi uga qayb galay isla markaasna uusan uga qayb galin danno ku aadan shacabka Jubooyinka,waxana auu sheegay inuusan Matalin shacabka reer juboland.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com