Balli Gubadle 18.Sep 2013 (SDN)- Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland iyo wafdigii uu hogaaminaayaya ee socdaalka hawleed kaga soo baqoolay gobolada Bariga Somaliland ayaa Caawa ku sugan una Hoyday Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Ka hor intii Weftiga Madaxweynuhu aanay soo Gaadhin Balli Gubadle waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Sallaxley taas oo ay ka qayb galeen Maamulka iyo masuuliyiinta Degmada sallaxley Salaadiin Dhalinyaro Haween iyo qaybaha kala duwan ee ku nool Degmadaasi.
Waxaa ugu horayn madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwadiisa iyo Golaha wasiirada Ee la socday Gacmo Furan ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degamda sallaxley Md Maxamuud ibraahim xandulle ka soo sheegay inay dhamaanba aad ugu faraxsan yihiin dadweynaha ku nool degmada sallaxley imaatinka Madaxweynaha ee Degmada Sallaxley waxaa intaa raaciyay gudoomiyuhu inaanay ahayn markii koowaad ee uu madaxweyne siilaanyo degmadaasi yimaado isla markaana ay uga mahad naqayaan safarka dheer uu usoo maray inuu soo gaadho sallaxley.
Waxaa sidoo kale ka hadlay booqashada madaxweynaha ee degmada sallaxley Suldaan Cali Baane Oo ku hadlaaya afka salaadiinta Degmada waxaanu uga mahad celiya Madaxweynaha Somaliland safarka dheer ee aan nasashada lahayn ee uu ku yimi sallaxley suldaanku waxaa uu madaxeynaha U soo gudbiyay waxqabadka Dadka reer sallaxley ku talaabsadeen Sida Cusbitaalka, Iskuulkada iyo wadada Cad Ee isku xidha sallaxley iyo Hargeysa waxaana uu madaxweynaha ku amaanay waxqabka ay xukuumadiisi samaysay ,Suldaanku waxa uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu Gacan Muuqata ka siiyo Bulshada ku nool degmadaas dhamaystirka baahiyaha aasaasiga ah .
Waxaa iyana Booqashada madaxweynaha Somaliland Uu ku Tagay Degmada Sallaxley ka hadlay Caaqil Rashiid Jaambir, Sh Maxamed Cali, Geedi Gudoomiyah Ururka Gaaroodi Deeq Cabdi Digaale, Oday Xaaji C/Kariin xuseen C/Waraabe, Kuwaasoo Uga mahad naqay Safarka Madaxweyne Siilaanyo Uu Kuyimi Sallaxley Isla markaana Ka Codsaday Xukuumadiisu Inay Gacan siiso Shacabka wax qabsaday ee Degmada Sallaxley si loo dhamaystiro ayay Yidhaahdeen waxyaalaha Dhinaca horumarka ka qabyada ah Ee ay Dadweynuhu samaysteen.
Sidoo Kale wasiirka warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka md C/laahi Maxamed Daahir Cukuse Oo ka mid ahaa Wafdiga la socday madaxweynaha ayaa sheegay inay sallaxley shacbigeedu inay inay si dhab ah u taageersan yihiin xukuumada taasin ay timi markii ay shacabku waaya arag unoqdeen inay xukuumadooda ku Taageeraan waxqabadyada ay ku talaabsanayso, waxaana uu intaa raaciyay Wasiirka Warfaafintu in nabada iyo dawladniimadu ay tahay ta Maanta keentay inay sallaxley yeelato Waddo laami ah,Isla markaana laga fuliyo Afar Iskuul, iyo Xarumo Caafimaad oo Tayo leh.
Ugu Danbayntii Madaxweynah Somaliland Md Axmed Siilaanyo Oo La hadlay Reer Sallaxley ayaa Sheegay Inuu Dadweynaha Reer sallaxley Guud ahaan Uga mahad celiyay Sida Qiimaha iyo Qaayaha Leh ee ay U soo dhaweeyeen Taasi Oo uu ku tilmaamay madaxweynuhu Mid dhaqan u ah Bulshada ku nool Degmadaasi .
Waxaa uu madaxweynuhu uga marag kacay Reer sallaxley iyo dadka deegaanka wax qabadka ay Fuliyeen Isagoo balan qaaday in Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay ay wax kasta oo awoodeeda ah aanay waxba kala hagran doonin Wax la qabashada Shacabka degmadaas waxaa kale oo uu Iftiimiyay dadaalka ku dayashada Mudan ee ay ku suuro geliyeen Samaynta Wadada isku xidhaysa Hargaysa iyo Sallaxley .
Madaxweynaha ayaa Ugu danbayntii Soo Booqday Cusbitaalka Sallaxley Isaga Oo dhagax Dhigay Dayr wayn Oo Loo samayn doono Cusbitaalka.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu waxa ay galabta gaadheen magaaladda Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, halkaasi oo loogu soo dhaweeyay si balaadhan. Waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb galay maamulka gobolka, ka degmadda iyo boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaaladda Bali-gubadle.
Weftiga Madaxweynuhu waxay caawa u hoydeen magaaladda Bali-gubadle , waxaana lagu wadaa inuu halkaasi ka furo mashaariic horumarineed, qaarna dhagax dhigo.
Balli Gubadle SDN.
Contact@somalidiasporanews.com
