Muqdisho 18.Sep 2013 (SDN)- Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq, ayaa maanta sheegay in dib u heshiisiinta iyo horumarka Soomaaliya laga gaaray guulo wax ku ool ah tan iyo markii laga baxay Kumeel gaar-nimada.
Peter oo war saxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho, ayaa xusay in laga soo gudbay arrimo badan oo caqabad ku ahaa horumarka Soomaaliya, haddase ay u muuqato in si tartiib tartiib ah looga gudbayo dhammaan waxyaabaha keenay dib u dhaca Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay inuu jeclaan lahaa inuu kasii qeyb qaato isbeddelo wanaagsan oo ka hir gala Soomaaliya, balse 17 bil oo uu ka shaqeynayay Soomaaliya kadib ay u dhammaatay howlihii uu u joogay Soomaaliya.
Qurba joogta Soomaalida ee dib ugu soo laabanaya dalka, ayuu ku sheegay iney ka qeyb qaateen dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaalidu ay hadda fahantay in la joogo xilligii ay wax wada qabsan laheyd.
Wuxuu carabaabay in shirkii heshiiska cusub ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Brussles uu ahaa mid dowladda fursad u siinaya xaqiijinta muhiimadda ay tiigsaneyso saddexda sano ee soo socota.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
