Uncategorized

Wasiirada Gaashaandhiga ee Somalia iyo Talyaaniga oo Heshiis Milateri kala Saxeexday

Roma 18.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Gaashandhiga Talyaaniga Mario Mauro oo kulan ku yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah u kala saxiiday hishiis militari.

Heshiiska labada dalWasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya Mudane C/xakiin fiqi ayaa Allgalgaduud u sheegay in hishiiskan uu la xiriiro  taageerada iyo tabarada ciidamada Milatariga Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray In talyaanigu uu ka saacidi doono ciidamada Milatariga dhinaca qalabeynta iyo tababarada.

Heshiiskan ayuu wasiirka gaashandhiga ku tilmaamay in uu  yahay mid soo dedejinaya sidii loo soo afjari lahaa kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, oo hada  hab dhuumaaleysi ah iyo meelo kooban ku joogo dalka.

Kulankan hishiiska iskaashiga wasaaradaha gaashaandhiga soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa sidoo kale dhinca Soomaaliya ka qeybgalay taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya jeneral Afqarshe, iyo taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya  iyo saraakiil kale.Sanadkii hore  ayey wasaaraha gaashinga Soomaaliya iyo Turkiga uu dhex maray  hishiis iskaashi oo sidan oo kale.

Roma SDN.

Contact@somalidiasporanews.com