Sallaxley 20.Sep 2013 (SDN)- Gudida Dhismaha Wadada Cad Ee isku Xidha Magaalooyinka Hargeysa Iyo Sallaxley Ayaa Uga Mahad naqay Haweenka Beelaha Dega Sallaxley Doorkii Iyo Kaalintii Muhiimka ahayd Ee ay Kaga qayb galleen Mashruuca Dhismaha wada Cad Kaasoo Ahaa Door Wax Ku Ool ah Oo aan Haweenka La’aantood anay Waxba Dhaqaaqeen.
Gudida Dhismaha wadada Cad Oo ay Hormuud ka yihiin Sh. Maxamed Cali Geedi Iyo Gudoomiyaha Gudida Dhismaha Wadada Cad Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Caaqil C/Risaaq Maxamed Askar, Faysal Cayuun, Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle, Ganac sadde Cagaweyne, Iyo Gudoomiyaha Ururka Samafalka Gaaroodi Oo Dhamantood Kasoo Qayb galay Munaasibada Loo Sameeyay Haween weynaha Degaanka Sallaxley iyo Hargeysa Oo Lagu Isha Gobka.
Ugu Horayn waxaa Madashaa Maamuska, Ducada iyo Dhiiri galinta isugu jirta Ee Loo sameeyay Haweenka ayaa waxaa hadallo kajeediyay Sh. Maxamed Cali Geedi Oo Kamid ah Culimada Reer Somaliland iyo Gudoomiyaha Gudida Dhismaha Wadada Cad Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Kuwaasoo Sheegay Inay Aad uga mahad naqayaaan ka guddi ahaan Doorkii lama ilaawaanka ahaa Ee ay Haweenku Kaga Qayb qaateen Bilawgii Dhismaha wadada cad, Iyaga Oo dhamaanba U Duceeyay Haweenkii Waxka Bixiyay Dhismaha Mashruucaasi.
Geesta Kalle Gudida Dhismaha wadada cad waxaa ay Dhaliilo Usoo Jeediyeen Isla markaana ay Farta Ku Godeen Kaalintii Isla Haweenka Beelaha Ee Qurba Jooga ahaa Taasoo Ay Ku Tilmaameen Haweenka Guduhu Inay Ka waxtar batten Kuwa Dibada Jooga Marka La eegaayo Aduunka ay ku Bixiyeen Dhismaha wadada cad.
Iyada Oo Dhinaca Kalle Duco iyo Amaan aan Lakoobi Karaynin Lagu Maamuusay Haweenka Guud ahaan Gar ahaana Kuwa Guda Dalka Oo Mudan, Waxaana Loo Balamay Inay Mar labaad Dar dar galiyaan Haweenku Iyaga Oo Ku Ballan Qaaday Inay Doorkana Keeni Doonan lacag Gaadhaysa Ilaa 100,000 Oo Dollar.
Gudoomiyaha Ururka Samafalka Gaaroodi Oo Goobtaa Ka hadlay ayaa Umahad naqay Una Duceeyay Haweenka Aduunkiin ay Bixiyeen Allena Uga Baryay Inuu wax qayr qaba ugu badelo Isaga Oo Dhinaca Kalle Fariin u diray Haweenka Beesha Ee Qurba Jooga ah Inay Door Xoogan Oo Muhiim ah Ka qaataan Sii Dhamaystirka Wada Cad Oo markan Iyaga La sugaayo Isla markaana ay soo Dhamaystiraan Qaaraankii Loo Qoondeeyay.
Faaduma Shucayb Oo Munaasibadaa Kaga Hadashay Afka Haweenka Gudaha Somaliland ayaa Sheegtay, In Qaaraanka Wada Dhamman Haween iyo Ragba Laga wada doonaayo Oo Xil adagna Layska saaro Ama Boqol Ha noqoto amaba Haka Badatee Haweenka Looga Joogo Inay Bixiyaan Waxaanay intaa Ku dartay In lawada tashado Haday Noqoto Horumarinta Deegaanka Iyo Haday Noqoto Wax kaleba.
Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle iyo Caaqil C/Risaaq Maxamed Askar Oo Gaba gabadii Ka hadlay Munaasiba Maamuuska Ee Daaranayd Doorkii Xilkasniimada Lahaa Ee Ay Haweenka Beeshu Ka qaaten Dhisida Mashruuca wadada Cad ayaa U Duceeyay una Mahad Naqay Haweenka Iyaga Oo Tilmaamay Inay Halkaa Kasii wadaan Shaqada Oo aanay Kaga Hadhin Ilaa iyo 80m, Ee wada Cadi Ay Ka dhamaanayso.
Sallaxley SDN.
Qurbejoog.com
