Uncategorized

Dufcadii 1aad ee Xujaaj ah oo Somaliland iyo Somalia oo Maanta ka dhoofay Garoonka Caasimada Hargaysa

Hargaysa 20.Sep 2013 (SDN)- Dufcaddii ugu horaysay ee ka mid ah xujaajta reer somaliland ee sanadkan ayaa maanta ka dhoofay Garoonka caalamiga ah ee Egal Intranational Airport ee magaalada Hargaysa.

madaarka hargaysaXujaajtan reer Somaliland ee maanta ambabaxay oo tiradoodu dhamayd 140 xaaji oo uu sii sagootiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada somaliland Md Axmed Dalal faarax ayaa waxa qaadday diyaarad nooca rakaabka ah oo weyn oo ay leedahay shirkadda Daalo Airlines

Dhanka kalena isla maanta waxaa gegida diyaaradaha ee magaalada Hargaysa ka dhoofay 170 xaaji oo ka soo jeeda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia kuwaasoo ay qaaday diyaarad weyn oo nooca rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda duulimaadada ee Jubbah Airways.

Isticmaalka diyaaradaha noocan ah ee waaweyn ee qaadi kara dad tiradoodu intaa le’egtahay waxa ay cadayn u tahay sida gegida diyaaradaha ee caasimaddu ay awood ugu leedahay inay soo fadhiisan karaan diyaaradaha waaweyn ee rakaabka iyo xamuulkaba leh, taasoo ah mid hirgelinteedu qayb ka ahayd qorshihii balaadhinta iyo casriyaynta ahaa ee dhowaan laga fuliyey garoonka diyaaradaha ee Egal intranational Airport ee magaalada hargaysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com