Uncategorized

Doodii Xeerka Wadooyinka oo la Soo Gabo Gabeeyay,iyo Guurtida oo ka doodaysa Siyaasada Gudaha ee dalka

Hargaysa 22.Sep 2013 (SDN)- Fadhigii  maanta ee golaha wakiiladda j s l oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane cabdiraxamaan maxamed cabdilaahin  cirro  ayaa mudanayaasha golaha waxay dood kaga yeesheen xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka ,  iyagoo maanta soo gabagabeeyay doodiisa oo maalmahan ay ku  gudo jireen.

Golaha Wakiilada SaxMudanayaasha dooda  ka qeyb qaadanayay oo ku kala aragti duwanaa  dooda xeerkaaasi ayaa qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi uu yahay mid muhiim u ah marka la dhisayo wadooyinka dalka , waxaanay mudanayaashu gaar u tilmaameen in cashuurta laga dhimo ganacsatada dalka wax soo galisa ,   xoolaha nool iyo gaadiidka u kala goosha gobolada dalka , iyadoo la eegayo bulshada inteeda danyarta ah.

Mudanayaasha qaarkood  ayaa iyana soo jeediyay in xeerkani mudo hal sano ah uu shaqeeyo  iyadoo la saarayo cashuurta halka nee fee geela ah laba doolar , neefka lo da ahna hal doolar iyo badh  halka neefka adhiga ahi uu noqon doono nus doolar.

Geest akale fadhigii golaha guurtida ee maanta oo uu shir gudoominayay  gudoomiye ku xigeenka  koowaad ee golahaasi  MD siciid jaamac cali  ayaa mudanayaasha golahaasi ay kaga doodeen siyaasada arimaha gudaha dalka.

golaha GuurtidaMudanayaasha dooda maanta ka qeyb qaadanayay ayaa ku kala aragti duwanaa waxaanay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen sidii  wax looga qaban lahaa xukuumad iyo shacaba aafada tahriibta , shaqo l anaata iyo dadka soo galeetiga ah oo ay dawlada usoo jeediyeen in siyaasad cad ka yeelato waxaanay balan qaadeen in ay wacyigalin balaadhan ka samayn doonaan dalko oo dhan taasoo dhalinayarad lagaga wacyigailin doono aafada tahriibka  waxaanay mudanayashu ka codsadeen in fadhiyadooda danbe golaha hor timaado wasirrka waxbarshadu si ay faahfaahin uga bixiso arday dhawaan mudaharaad ka sameeyay caasimada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com