Hargeysa:22-Sep-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhibaatadii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacday Magaalada Nairobi, gaar ahaan Meesha Loo Yaqaanno West Gate.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ku hadlaya magaca Xukuumadda, ayaa xusay in xukuumadda Somaliland Dareen Damqasho leh kaga jawaabayso dhibka ku dhacay dadkaas shacabka ah, “Haddaanu Nahay Dawladda Somaliland aad iyo Aad Baanu u cambaaraynaynaa dhibaatadii ku dhacday dadkii Haweenka iyo carruurta ahaa ee ka tukaamaysanayey Magaalada Nairobi, waxana uu aanu tacsi u diraynaa Eheladoodii iyo dawlada Kenyaba” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland oo u warramayey Idaacadda BBC-da.
Wasiir Biixi oo maalintii shalay uun dalka ku soo laabtay kadib markii uu safar ugu maqnaa Dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya, ayaa Hadalkiisan ku sheegay inay si aad ah ugu damqanayaan shacabkaas meesha ku le’day iyo xukuumaddadoodaba, waxana uu xusay in waxaas dhacay ay tahay wax laga xumaado oo ay waajib tahay in la cambaareeyo.
Waa Markii ugu horraysay ee xukuumadda Somaliland ka hadasho dhibatada dhimashada badan keentay ee illaa iyo hadda ka socota magaalada Nairobi, waxana sidoo kale mashaqdaas ka hadlay waddamo badan oo ay Somalia ku jirto.
Mashaqadii ka dhacday magaalada Nairobi, ayaa wali taagan oo aan dhamaan, waxana marba marka ka sii dambaysa sii kordhaya dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, walina Ciidamada ammaanka Kenya kuma ay guulaysan inay soo afjaraan gacan-ku-hayntii dablayda hubasyan ee Dhismahaas ay qabsadeen.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland.
Contact@somalidiasporanews.com
