Uncategorized

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Tacsi u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta weerarkii Westgate

Muqdisho 22.Sep 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta weerarkii shalay ka dhacay suuqa Westgate, kaas oo ay ku dhinteen 43 qof, 150 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aad ayay uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri raysul wasaare Shirdoon oo khadka taleefoonka kula xiriiray Uhuru Kenyatta.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid 2Shirdoon wuxuu tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen shacabkii ku sugnaa goobta, isagoo weerarka ku tilmaamay mid arxan darro ah oo ay geysteen kooxaha argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u garab istaagan yahay walaalaha reer Kenya, si la mid ah sida ay dadka Kenya iyo dowladduba inoo garab istaageen waqtigii noogu adkaa,” ayuu yiri raaciyay Shirdoon.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyadoo sheegtay inay uga aar-gudaneyso howlgalka milateri ee Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inay ugaarsan doonaan dambiilayaasha.

Kenya waxaa koonfurta Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 4000 oo ciidamo ah kuwaas oo tan iyo 2011 dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com